Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Hogaan Cusub Doortay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Shirkii toddobaad ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta lagu soo gebo gebeeyey magaaladda Hargeysa oo uu labadii cisho ee ugu dambeeyey ka socday.

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen ergo ka kala socotay bahda saxaafadda ee goboladda Somaliland ayaa waxa lagu doortay shan iyo toban xubnood oo noqon doona guddida Fulinta ee ururka SOLJA, iyada oo ay shan iyo tobankaas xubnoodna iska sii dhex doorteen guddoomiyaha ururka SOLJA, guddoomiye ku xigeenka ururkaas iyo Xoghayaha ururka ee saddexda sanno ee soo socota hogaamin doona ururkan.

Guddoomiyaha ururka SOLJA ayaa loo doortay Sakariye Axmed Muxumed , halka Guddoomiye ku xigeenkana loo doortay Cabdilaahi Xuseen Darwiish, waxa isna Xoghayaha ururka SOLJA loo doortay Maxamed Muuse Guraase .

Guddoomiyihii hore ee ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo gebo gebadii shirkaas ka hadlay ayaa u hambalyeeyey guddida Fulinta ee ururka SOLJA ee cusub iyo sidoo kalena saddexda masuul ee loo doortay guddoomiyaha ururka, guddoomiye ku xigeenka iyo xoghayaha ururka SOLJA.