Ururka Jaamacadda Carabta oo kulan ka yeelanaya dadkii lagu wax yeeleeyey Masjid Al-aqsa

Muqdisho – (WARSOOR) – Kulanka Wakiillada Joogtada ah ee Golaha Ururka Jaamacada Carabta ayaa lagu wadaa inuu maanta  ka dhaco Xarunta ururka Jaamacada Carabta  Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Shirkaan oo la filayo in looga hadlo arrimaha dalka Falastiin iyo tacdiyada ka dhanka ah Falastiniiyiinta ee  ay waddo Israa’iil ayaa waxaa shir gudoomin doona  Dowladda Qadar.

Shirkan deg deg ah ee looga hadlayo Tacadiyada iyo weerarada Askarta Yahuuda u geystaan   dad ku cibaadeysanayo Masjidka  Al-aqsa ayaa  codsigiisu ka yimid Dowladda Falastiin  waxaana ku dhawaaqay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee ururka Jaamacadda Carabta.