Ururka IEAT oo Kulan La Yeeshay Safaarada Taiwan ee Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Safaarada Taiwan ee Somaliland waxa ka qabsoomay kulan ay soo qaban qaabiyeen Ururka IEAT oo ay xubnahooda ku barayeen Somaliland.

Ururka IEAT waa urrur ay ku bahoobeen ilaa 6200 oo ganacsatada alaabaha dhoofisa ee Taiwan ah, waxaana uu masuul ka yahay 45% hawlaha dhoofka Taiwan. Kulankan oo ku qabsoomay qaabka Aalada Zoom ka ah. kulankaas oo ujeedadiisu ahayd sidii wax soo saarka somaliland iyo fursadaha maalgashi ee ka jira loogu soo bandhigi lahaa qanacsatada iyo maalgashadayaasha dalka Taiwan.

Kulanka oo ay dhinaca dalka Taiwan ay goob joog ka ahayeen safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan iyo ganacsato iyo maalgashadayaal reer Taiwan ah kuwaas oo xiisaynayay maalgashiga Somaliland, Sidoo kale waxa isna kulanka goob ahaa Madaxa Guud ee DP World ee Somaliland Mr. Supachia.

Waxa kulankaas presentation ka hadlaya fursadaha maalgashi ee dalka ka jira iyo siday somaliland ugu haboontahay in la maalgashado kasoo jeediyay Agaasimaha Horumarinta Ganacsiga ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Fuad Rashid Bullo, sidoo kale waxa halkaas ka hadlay gudoomiyaha guud ee shirkada Dp World iyo qaar ka mida ganacsatada dalka oo dhamaantood iska daba maray sida ay Somaliland ugu haboontahay in la maalgashado iyo fursadaha yaala dalka.

@Xafiiska warbaahinta
Wasaarada Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha

Website: https://moiid.govsomaliland.org
Twitter: https://twitter.com/SomalilandMOIP