Ururka Golis Oo Agab Ciyaareed Gaadhsiiyey Degmada Goda Weyn, Goda Yar Iyo Deegaano Kale

Hargeysa – (warsoor) – Ururka Golis, ayaa agab ciyaareed oo  kala duwan gaadhsiiyey kooxaha kubbadda Cagta ee ka dhisan Degmad Goda’weyn, Goda’ Yar,  Isku dar iyo Derimaraa,taasi oo ahayd mid uu ururku ugu deeqay kooxaha ka jira degmooyinkaasi.

Guddoomiyaha ururka Golis Jamaal Axmed Hugur iyo Xoghayaha Guud ee Ururkaas  Cismaan Caydiid iyo Agaasimaha ururkaas Siciid Xasan Cabdi. Islamarkaanna masuuliyiintan ayaa agabkan ciyaar ku wareejiyey Guddoomiyaha degmadaad Cabdiraxmaan, taasi oo uu guddoomiyuhuna uga mahad-celiyey aqoon-yahanaddan ku middoobay ururka Golis deeqadan isugu jirta agabka ciyaaraha ee dhammayska-tiren ee ay soo gaadhsiiyeen degmadda Derimaraa.

Dhinaca kale, Ururka Golis ayaa Deeq taasi la mid ah gaadhsiiyey kooxaha kubbadda cagta ee magaalada Goda yar, waxaanay ku wareejiyeen agabkaas Mr Kawsar Xasan oo ah Guddoomiyaha Degmadaasi, oo isaguna haddalo boggaadin iyo mahadnaq uu jeediyey dhalinyaraddan aqoonyahanka ee ee markasta la garantaagan taakulaynta iyo gacan qabashadda ay la garab taagan yihiin dhallinyaradda deegaanka ee ku hawlan ciyaaridda kubbadda cagta.

Sidoo kale, aqoonyahan ku middoobay ururka Golis oo door muuqda ka qaata dhiirigelinta iyo korinta maskaxda dhalinyaradda deegaanadaas ayaa sidoo kalena degmada Goda’weyn gaadhsiiyey aqalab ciyaareed, waxaanay ku wareejiyeen Xoghayaha Degmadaas Deeq Cabdi Fiin, isagoo uga mahadnaqa ururka Golis deeqdaasi iyo dhiirigelintay ay mar walba la garab taagan yihiin Da’yarta iyo ka wacyi-gelinta balwadaha, waxaannu xusay inay deeqo hore oo kuwan la mid ah soo gaadhsiiyeen deegaankaasi .

Ugu Dambayn ururka Golis oo isu maray deegaanadda ayaa agab ciyaareed gaadhsiiyey deegaanka Isku -Dar,Islamarkaanna waxa ka Guddoomay Saleeban Xasan Ducaale, oo ururka dhallinyaradda Golis uga mahadnaqay agabkan ciyaareed ee baahidda wayn u qabeen dhallinyaradda ku hawlan ciyaarista kubbadda Cagta. Waxaannu dhallinyaradda ururkan ku boggaadiyey waxqabadka muuqda ee ay deegaanka ka sameeyeen intii ururkan ay isu bahaysteen aqoonyahanka deegaanku, inuu ififaalo iyo dhiirigelin ugu filanyahay jiilkoodda soo koraya ee loo baahanyahay in mustaqbalka qabtaan wuxuu ururkan Gollis galiyey deegaanka iyo dhallinyaradda.

Muuqaalka Warka halkan ka daawo:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.