Turkiga oo war cusub ka soo saaray dhibaatada muhaajiriinta ee soohdinta Belarus iyo Poland

Poland – (WARSOOR) – La taliyaha sare ee siyaasadda arrimaha dibedda ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtida maanta ah u sheegay wakaaladda wararka AFP in ku eedeynta Turkey iyo diyaaradihiisa ee dhibaatada bani’aadanimo ee ka taagan xuduudda ay Poland la wadaagto Belarus ay tahay “mid la marin habaabiyay.”

Ankara ayaa Jimcihii ka mamnuucday muwaadiniinta saddex dal oo Bariga Dhexe ah in ay ka duulaan garoommada diyaaradaha ee Turkiga, si ay u gaaraan Belarus.

Go’aankan ayaa yimid maalmo ka dib markii ay Madaxa EU Ursula von der Leyen ka dhawaajisay suurtagalnimada in cunnaqabateyn la saaro shirkadaha diyaaradaha ee ku lug leh “tahriibinta dadka.”

Turkish Airlines ayaa bixisa mid ka mid ah duulimaadyada sida aadka loo adeegsado ee taga caasimadda Belarus ee Minsk.

Laakin kaaliyaha dhanka siyaasadda dibedda ee Erdogan, Ibrahim Kalin, ayaa sheegay in eedeymaha ah in Turkigu uu si uun gacan uga geystay qalalaasaha ka taagan soohdinta ay tahay caddaalad darro.

“Dhibaatadan cusub ee muhaajiriinta sharci-darrada ah ee ka dhex taagan Belarus, Poland, Lithuania iyo dalal kale oo Europe ah, xaqiiqdii, wax shaqqa ah Turkigu kuma lahan,” ayuu ku yiri wareysi gaar ah oo uu siiyay AFP

“Socotada ayaa taga Belarus, ka dibna Lithuania, Poland iyo dalalka kale ee Europe. In taasi lagu eedeeyo Turkey ama Turkish Airlines, waa mid aan meesha oollin,” ayuu yiri.

Ku dhawaaqista Turkey ee joojinta muwaadiniinta u dhashay saddexdaasi dal ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiinta Midowga Yurub xilli uu wali cakiran yahay xiriirka Ankara iyo Brussels.

Madaxweynaha Golaha Europe Charles Michel ayaa farriin uu Twitter-kiisa ku qoray ugu mahadceliyay mas’uuliyiinta Turkiga iyo hay’adda duulimaadyada dalkaasi wadashaqeyntan.

Kalim ayaa sheegay in Turkigu uu go’aankan qaatay ka dib wadahadallo ay la yeesheen saraal Polish ah iyo kuwa reer Yurub.

Turkey ayaa waxaa ku nool ilaa shan milyan oo qof oo qaxooti iyo muhaajiriin ah kuwaasi oo intooda badan ka yimid dalka ay dagaalladu halakeeyeen ee Syria, waxaana uu Turkigu yahay mid ka mid ah marinnada ay doorbidaan muhaajiriinta iyo qaxootigu in ay ka galaan Yurub.

Xigasho : VOA SOMALI