Turkiga oo tallaabo ka qaadaya 134 qandaraasle oo lagu eedaynayo dhismayaasha ku burburay dhulgariirka

Turkiga – (WARSOOR) – Dawladda Turkiga ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsanayaan illaa 134 qandaraasle iyo dhinacyo kale oo lagu eedaynayo inay qayb ka yihiin, tayada dhismayaasha ay dhiseen oo hoosaysay iyo hababka dhismaha ee aan sharciga ahayn ee ay isticmaaleen. Tallaabadan ayaa daba socota, burburka xooggan ee ka dhashay dhul gariirkii ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Syria.

Wasiirka caddaaladda ee Turkiga Bekir Bozdag ayaa wacad ku maray inuu ciqaabi doono cid kasta oo lagu helo, inay guryaha ku burburay dhulgariirka ay u dhistay si aan haboonayn, wuxuuna sheegay inay haatan ay jiraan saddex qof oo maxkamad la soo taagi doono, toddoba qof oo xabsiga la dhigay iyo toddoba qof oo kale oo laga mamnuucay inay dalka ka dhoofaan.

Dacwad oogayaasha ayaa bilaabay inay ururiyaan caddaymo kala duwan oo ku saabsan, qaabdhismeedka guryaha iyo agabka loo isticmaalay dhismayaasha. Inkasta oo dhulgariirku uu xoogganaa, haddana waxaa ehelada dadkoodu dhinteen iyo khubarada dhinaca dhismuhu ay eed badan u jeedinayaan, tayada dhismayaasha oo hoosaysay, taas oo kor u sii qaaday khasaaraha dhulgariirka.

Illaa haatan waxaa socda dedaalada samatabixinta, waxaana khasaaraha dhimashada ee dhulgariirkaas ka dhalatay ay maraysaa in ka badan 33,000 oo qof oo dhimasho ah iyo in ka badan 92,000 oo dhaawac ah.

Kumanaan shaqaale ah ayaa ku mashquulsan, samatabixinta dadka ku hoos jira burburka dhismayaasha, iyaga oo baadigoob ugu jira inay dadkaas ku gaadhaan nolol.

Telefishanka dalka Turkiga ee TRT ayaa baahiyey, haweenay uur leh oo nool oo laga soo hoos saaray burburka guryaha, iyada oo halkaas ku go’doonsanayd in ka badan 157 saacadood.

Sidoo kale telefishanka HaberTurk ayaa isna baahiyey ilme yar oo 6 jir ah oo nool oo isna Axaddii la soo badbaadiyey isaga oo nool, oo maalmo badan ku hoos jiray burburka guryaha.