Turkiga oo diyaarado dagaal ka dalbaday Maraykanka

Turkiga – (WARSOOR) – Turkiga ayaa ka codsaday Maraykanka inuu ka iibiyo 40 diyaaradaha dagaalka ee nooca loo yaqaan F-16, iyo weliba ku dhawaad 80 ah qalabka lagu casriyeeyo diyaaraha dagaalka.

Xukuumadda Ankara ayaa doonaysa inay casriyeyso ciidankeeda cirka kadib markii uu Maraykanka ka iibin diiday diyaaradaha dagaalka nooca u dambeeyay ee F-35, kadib khilaaf soo kala dhexgalay labada waddan.

Codsiga Turkiga oo weli maraya heer bilow ah, ayaa u baahan inay ansixiyaan wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka iyo weliba Congress-ka.

Telefishinka NTV ee Turkiga ayaa sheegay in diyaaradaha iyo qalabka ay dalbatay xukuumadda Ankara ay ugu kici doonaan lacag dhan 10 bilyan oo dollar.

Turkiga ayaa kal hore codsaday in laga iibiyo in ka badan 100 diyaaradood oo ah nooca F-35, balse waxaa laga saaray barnaamijkaas sanadkii 2019 kadib markii uu soo iibsaday habka difaaca gantaallada ee Ruushka ee loo yaqaan S-400.

Maraykanka iyo Turkiga oo ka wada tirsan gaashaanbuurta NATO ayaa sanadihii dambe isku hayay arrimo ay kamid yihiin colaadda Suuriya, xiriirka Ankara iyo Moscow iyo weliba dhaq-dhaqaaqyada uu Turkiga ka wado bariga badda Mediterranean-ka.

Dadka ka faallooda arrimaha gaashaandhigga ayaa sheegaya inay adag tahay in Congress-ka Maraykanka uu si sahlan ku oggolaado in diyaaradaha dagaalka laga iibiyo Turkiga.

Inkastoo uu Maraykanka uga digay Turkiga iibashada hubka Ruushka, ayaa haddana Madaxweyne Erdogan waxa uu todobaadkii hore muujiyay inuu doonayo in dalab labaad oo ah gantaallada S-400 uu u dirsado Moscow, tallaabadaas oo ka caraysiin doonta Washington.

Xukuumadda Ankara ayaa sheegtay inay dooneyso in maamulka Biden uu wanaajiyo xiriirka ka dhexeeya labada waddan.

Sida ay daabacday jariiradda Forbes, ciidanka cirka ee Turkiga ayaa hadda haysta in ka badan 200 oo ah diyaaradaha dagaalka ee F-16.