Turkiga: Cidna ma dacweyneyno balse ma ogolaanayno in ay wax dambe sii qarsoonaadaan

Turkiga ayaa balan qaaday in uu soo bandhigi doono faafaahinta ku saabsan dilka weriye Jamal Khashoggi, kadib markii Sacuudiga uu markii ugu horeeysay aqbaly in Jamal lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacudiga uu ku leeyhay magaalada Istanbul.

Sacuudi Carabiya ayaa maalintii jimacaha ahayd sheegtay in Mr Khashoggi uu ku dhintay dagaal ka dhacay gudaha qunsuliyadda.

Saraakisha Turkiga ayaa markii hore sheegay in si kas ah gudaha qunsuliyadda loogu dilay kadibna meydkiisa la jarjaray.

Bilowgii Toddobaadkaan ayaa saraakil Turki ah oo aan magacooda la shaacin ayaa warbaahinta u sheegay in ay hayaan codad iyo muuqaallo muujinaya dilka weriye Jamal Khashoggi.

Boqortooyada Sacuudi ayaa waxa ay wajahaysay cadaadis aad u xooggan tan iyo intii la waayay Mr Khashoggi.

Balse ugu damabeyntii waa ay qirteen in weriye Jamal Khashoggi.

Muxuu yiri Turkiga?

“Turkiga waxa ay soo bandhigi doonaan wax kastoo dhacay,” ayuu yiri Omer Celik sida ay sheegtay Anadolu wakaaladda wararka ee Anadolu.

“Cidna ma dacweyneyno balse ma ogolaanayno in ay jiraan wax damboo la qariyo oo waan shaacinaynaa.”

Turkiga ayaa haatan joojiyay eedeyntii uu Sacuudiga u soo jeedinayay ee dilka Khashoggi.

Maxay sheegeen saraakiisha Sucuudiga?

Bayaan kasoo baxay dacwad oogaha guud ee dowladda Sucuudiga ayaa lagu sheegay in dagaal uu qunsuyliyadda ku dhexmaray weriye Jamaal Kaashogji iyo dad halkaasi ay ku kulmeen ay dhalisay dhimashadiisa.

Baaritaano ayaa hadda socdaa, bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in 18 qof oo Sucuudiga u dhashay xabsiga la dhigay.

Ragga shaqada laga ceeyriyay

Janaraal Axmed Al Casiiri : Afhayeen sare oo boqortoyada u qaabilsanaa dagaalka Yemen.

Janaraal Casiiri wuxuu 2017-kii BBC-da siiyay wareysi ku saabsan dagaalka yemen isaga oo difaacayay tallaabooyiinka Sucuudiga ee Yemen.

Sacuud Al-Qaxddaani waa la taliyaha boqortooyada ahna la taliyaha gaarka ah ee dhaxal sugaha Maxamed bin Salmaan.

Taarikh nololeedka Jamaal Kashgooji

Sooyaalka xirfadeed ee Jamaal Kaashogji wuxu ka soo bilaabmay sannadihii ugu horeeyey xirfadiisa ee uu bilaabay weriyenimada, waayadaas oo ay saaxiibeen Usaama Bin Laadin, ilaa uu haatan noqday qof mucaarad ku ah Sucuudiga oo uu dalkana ka tagay.

Intaan la waayin raq iyo ruux ba maalintii uu galay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, Kaashogji oo dalkiisa iskii uga tagay wuxu u dhexeeyey oo kolba mid joogayey dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga.

Wuxu Sucuudiga ka tagay bishii Sebtember 2017 ka dib markii ay isa seegeen maamulka Boqortooyada.

Dalalakaa dibadda ee uu joogay ayuu ka soo qori jiray aragtidiisa sida adag uu ugu dhaliilo maamulka Sucuudiga, oo waxa uu ku qori jiray wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee Washington Post iyo sidoo kale boggiisa Twitter-ka ee aadka loola socdo oo ay ku xidhanyihiin in ka badan 1.6 milyan oo qof.

Berigii uu Afghanistan tagay

Ninkan 59 jirka ahi wuxu xirfadiisa weriyenimo ka bilaabay Sucuudiga sannadkii 1985-kii markuu jaamacad Maraykanka ku taal ka qalin jabiyey.

Intii uu ka shaqaynayey wargeyska Al-Madina sanadihii sagaashameeyadii, wuxu aad waxa uga qoray mitidiintii Islaamiyiinta ahaa ee Afghanistan u tagey si ay halkaa ugula dagaalamaan Soviet-kii ku duulay.

Wuxuu dhawr waraysi la yeeshay Usaama Bin Laadin oo uu sheegay in uu dhalinyaranimadiisii ku yaqaanay Sucuudiga.

Berigaa Bin Laadin aad uma soo shaac bixin oo Galbeedka lagama aqoon inuu yahay hogaamiyaha Al-Qaacida.

Kaashogji wuxu ugu tagay godadka buuraha Tora Bora, waxa kale oo uu ku waraystay Sudan sanadkii 1995-kii.

Sannadkii 2011-kii oo muddo ka soo wareegtay markii uu Usaama waraystay, ayaa Khaashoqji laftiisa uu wargeyska Jarmalka ka soo baxa ee Der Spiegel ka waraystay xidhiidhkii isaga iyo Usaama Bin Laadin la haayeen.

Kaashogji waxa uu waagaa qirtay in uu markii hore Bin Laadin la qabay in sifo aan dimuqraadi ahayn lagu dhex galo hannaanka siyaasadeed ama xeelado colaadeed la adeegsado si dunida Carbeed looga xoreeyo xukuumadaha musuqa ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.