Turkey oo wacad ku martay jawaab adag kadib weeraro lagu qaaday

ANKARA – (WARSOOR) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa Arbacadii sheegay in Turkey “ay sameyn doonto wax kasta oo lagama maarmaan u ah amnigeeda” kadib wax uu ugu yeeray weeraro sare u kacay oo maleeshiyada Kurdish-ka Syria ee YPG ay ka fulisay xuduudda.

Madaxweyne Erdogan ayaa Isniintii sheegay in weerar ay Ankara ku eedeysay kooxda YPG, oo Mareykanka uu taageero, kaasi oo lagu dilay laba sarkaal oo boolis Turkish uu ahaa mid dulqaadka ka dhameeyey, islamarkaana Ankara ay ka go’an tahay inay cirib-tirto halista kaga imaneysa waqooyiga Syria.

Turkey ayaa sheegtay in boolis ku sugnaa gobolka waqooyiga Syria ee Azaz lala beegsaday gantaallada la hago Axaddii, kaasi oo ay ku eedeeysay YPG.

Sidoo kale Isniintii ayaa gantaalo laga soo tuuray deeganada ay haysato YPG waxa ay ku dhaceen magaalada Karkamis ee koonfurta Turkey, sida ay sheegtay Ankara.

Isaga oo ka hadlayey Ankara, ayaa Cavusoglu wuxuu sheegay in Mareykanka iyo Ruushka aysan kasoo bixin ballan-qaadkooda ahaa inay xaqiijin doonaan in maleeshiyada YPG ay ka baxdo aagga xuduudda Syria.

“Weeraradan ugu dambeeyey, Ruushka iyo Mareykanka ayaa mas’uul ka ah maadaama aysan kasoo bixin ballan-qaadkooda,” ayuu yiri Cavusoglu.

“Maadaama aysan ka dhabeeneyn ballan-qaadyadooda, waxaan sameyn doonaa waxa lagama maarmaanka u ah amnigeena.”

Turkey ayaa maamusha qeybo badan oo ka mid ah waqooyiga Syria ayada oo gacan ka heleysa mucaardka Syria ee xulufada la ah, kadib markii aagaas ay ka fulisay howlgallo ka dhan ah Daacish iyo YPG.

Kadib heshiisyo kala gooni ah oo ay la gashay Moscow iyo Washington 2019, Turkey ayaa hakisay howlgalladii waqooyiga Syria, ayada oo ku beddelatay in maleeshiyada YPG ay 30 km uga baxdo xuduudda Syria.