Trudeau oo magacaabay wasiiro uu ku jiro Axmed Xuseen

Kanada – (WARSOOR) – Raโ€™iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay golahiisa wasiirrada oo ka kooban 38 wasiir, kuwaasoo ay kala bar dumar yihiin.

Axmed Xuseen oo ah Soomaali-Canadian ayaa markii saddexaad kamid noqday golaha wasiirrada, isagoo loo magacaabay wasiirka guryeynta, kala duwanaanshaha iyo kawada qeyb galinta Canada.

Dad badan ayaa rumeysan in dowladdan cusub ay horyaallaan waxyaabo badan oo uu ugu horreeyo la tacaalidda xanuunka COVID-19.