Thiago Silva oo hal sano ku kordhiyay heshiiska uu kula joogo Chelsea

LONDON — (WARSOOR) – Daafaca 38 jirka ah ee kooxda Chelsea Thiago Silva ayaa saxiixay heshiis hal sano ah oo uu ku sii joogi doono galbeedka London ilaa xagaaga 2024, sida ay sheegtay Jimcihii kooxda ka ciyaarta horyaalka Premier League-ga ee Chelsea.

Daaficii hore ee AC Milan oo 106 jeer u saftay Chelsea ayaa 2020 kusoo biiray naadiga ku neynaasan Blues, isaga oo kaga soo biiray Paris St-Germain, isagoo dhamaadkii xilli ciyaareedkaas ku guulaystay koobka Champions League.

“Markii aan saxiixay qandaraaskeygii ugu horreeyay halkan, waxay ahayd inaan joogo hal sano. Hadda waa sannadkii afraad.” Ayuu yiri Silva, oo sidoo kale ku guuleystay UEFA Super Cup iyo FIFA Club World Cup 2021.

Waxa uu xulkiisa uu u saftay 113-kulan, waxaana uu ahaa kabtanka Brazil koobkii adduunka ee sannadkii hore, kaas oo ay wareegga 8-da kusoo reebeen xulka Croatia.

Chelsea ayaa ku jirta kaalinta 9-aad ee kala sarraynta horyaalkaa, waxayna sabtida booqan doontaa kooxda kale ee London ka dhisan ee West Ham United, kahor inta ayna Arbacada u safrin Borussia Dortmund lugta hore ee wareegga 16-ka ee Champions League.