Telesom oo maal-gelisay mashruuc lagu maal-galinaayo dhalinyaro la timid hal-abuur ganacsi

Hargeysa – [warsoor] –  Shirkadda Telesom ayaa maal-galisay mashruuca lagu maal-galinaayey   dhalinyaro la timid hal-abuur ganacsi, waxaana mashruucan hirgalisay hay’adda innovate ventures.

Hay’adda Innovate Ventures ayaa soo agaasintay xaflad balaadhan oo ay si weyn uga soo qayb-galineen marti-sharaf kala duwan oo iskugu jiray masuuliyiin ka socday shirkaddaha waaweyn ee dalka, saraakiil hay’addaha caalamiga ah iyo dhalinyaro leh  ganacsiyo kala duwan.  Xafladan ayaa ka dhacday huteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa maalinimadii Axadda ee 29 October 2017.

Ugu horayn xafladan waxaa ka hadlay madaxa barnaamijka hal-abuurka ganacsiga ee hay’adda Innovate Ventures  Muddane Cabdalle Maxamed Axmed, waxaanu sharaxaad ka bixiyey barnaamijkan ay hay’addiisu bilowday marxaladihii uu soo maray iyo waxa uu dhalinyaradda ku soo  kordhiyey barnaamijkani. Muddane  Cabdalle ayaa sheegay in muddadii uu barnaamijkani socday in ay dhalinyaro badan ka caawiyeen in ay ka dhisaan dhinacyo badan oo ganacisooda ka dhiga mid guulaysantay. Cabaddale ayaa tusaale u soo qaatay Xawaaladda WorlRemitt in ay ka mid ahayd fikraddii ganacsi ee ka soo dhex baxay barnaamijka Innovate Ventures ee guulaystay oo ay noqotay shirkad caalami ah.

Cabdiwahaab Maax, Agaasimaha horumarinta Arimaha Bulshadda ee shirkadda Telesom ayaa ka hadlay kaalinta ay shirkadda Telesom ay ku lahayd mashruucan  hal-abuurka ganacsiga dhalinyaradda waxaanu yidhi, “ Telesom ahaan, mashruucan bilowgiisii ilaa maanta waxaanu nahay maal-galiyaha ugu weyn ee maxaliga ah ee maal-galiya hay’adda Innovate Ventures,  waanan maal-galin doonaa annagoo ujjeedada ugu weyn ee aanu u maal-galinaynaa ay tahay in dhalinyaradeenu ay yeeshaan hal-abuur  iyo inay la soo baxaan. Waxaa naga go’an in aanu maal-galino dhalinyaradda caqligooda iyo aqoontooda, waxaanu balan-qaadaynaa  in aanu maal-galino cidkasta oo arintaasi ku hawlan”.

Agaasimaha hay’adda Innovate Venture Dr. Cabdiqani Diiriye ayaa ka hadlay barnaamijkan ay hay’addiisu dalka ka hirgalisey iyo sida uu hal-abuurka ganacsiga eedhalinyaradda uu barnaamijkani uu saamayn ugu yeeshay inay guulo ka gaadhaan hal-abuuryadda ganacsi ee dhalinyaradda. Dr. Cabdiqani ayaa sharaxaad ka bixiyey noocyadda adeegyadda ah ee ay siiyaan dhalinyaradda ka qayb-galay barnaamajikan Innovate Venture, waxaanu sheegay in sanadkan ay soo dalbadeen 520 halbuur ganacsi, lagana soo xulay 20 shirkaddood oo kaliya kuwaasi oo tababar iyo dhisid lagu wadday muddo afar bilood ah, maanta afarta shirkadood ee ku guulaysta la siin doono abaal-marin maal-galineed oo lacag ah.

Hay’adda innovate ayaa guddi ka mid ah masuuliyiintii ka soo qayb-galay munaasibadda u magacowday guddida xulista guulaystayaasha barnaamijkan hal-abuurka ganacsiga, waxaana halkaasi abaal-marin lagu lacageed guddoonsiiyey shirkaddihii ku guulaystay barnaamijka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.