Telesom oo Ka Warbixisay Sababta Cabdikariin Maxamed Iid Loogu xushay musharaxa Agaasimaha Ugu Wanaagsan Isgaadhsiinta ee Abaalmarinta Africacom 2018

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Telesom ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah uga hadashay sababta guddoomiyaha shirkadda Telesom loogu xulay inuu u tartamo agaasimaha ugu wanaagsan shirkaddaha isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee abaalmarinta Africacom ee sanadka  2018, sida uu waraysi ku siiyey Agaasimaha Horumarinta Bulshada ee Shirkadda Telesom, Cabdiwahaab Maax laanta VOA.
Maax ayaa sheegay in Cabdikariin Maxamed Iid iyo xubnaha la tartamaya ay soo  xuleen Guddida Sare ee shirweynaha Africacom ee isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, laguna soo xulay adeega Sarifka lacaga moobilka, adeegga ZAAD iyo horumarka adeeggani ku soo kordhiyey dhaqaalaha Somaliland iyo adeegyadda kale ee shirkadu daahfurtay sanaddan u dambeeyey ee ay ka mid yihiin adeegga cloud iyo adeegyaada kale ee casriga ah ee VAS.
Halkan ka daawo waraysiga Shirkadda:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.