Tartankii Kobci Garaadkaaga ee Shirkadda Telesom Maal-galisay oo Xaflad Lagu soo Xidhay iyo Tartame ku Guuleystay 10 milyan oo Somaliland Shilin ah

Hargeysa – (Warsoor) – Waxaa habeenimadii Jimcaha ee xalay xaflad xidhitaan ah loo sameeyey Tartankii Kobci garaadkaaga ee shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ay maal-galisay. Xafladda xidhitaanka oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, waxaanay ka qabsoontay huteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

Xafladda xidhitaanka ayaa lagu soo gunaanaday tartankan loo qabtay 22 guuleyste oo bishii Ramadaan ku guuleystay lacago. 22-tan guuleystay oo xafladan ay ka soo qayb-galeen 19 ka mid waxaa loo qabtay tartan ka kooban laba wareeg. Tartankan ayaa lagu bixinaayey abaal-marin oo loogu tartamaayey kaalinta koowaad toban milyan oo Somaliland shilin ah (10,000,000) iyo kaalinta labaad oo loogu tartamaayey 5 milyan oo Somaliland shilin ah (5,000,000). Tartanka waxaa ku guuleystay hal guuleysta oo helay 10 milyan, ka dib markii la waayey cid wareega labaad kula tartanta.

Qaybtii hore ee tartanku markii uu dhamaaday waxaa xafladaasi ka hadlay maamulaha Waaxda Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom Md. Maxamed Cabdi Darbo waxaanu ka hadlay ujeeddada shirkadda Telesom ay u maal-galisay tartankan iyo mustaqbalka sida ay shirkadda ugu go’an tahay in barnaamijkan ay sii casriyeyso siina kordhiso abaal-marinaha lagu guuleysanaayo. Md. Darbo ayaa guuleystayaasha ku dhiiri-geliyey in ay sii kordhiyaan aqoontooda oo ay dhisaan aqoontooda dhinacyadda diinta, dhaqanka, aqoonta guud, sidoo kalena ay bartaan dhulka iyo deegaanadda kala duwan ee dalka iyo caalamkaba.

Wasiiradda Shaqa-gelinta, Arimaha Bulshadda iyo Qoyska Marwo Hinda Jaamac Xirsi oo ka mid ahay marti-sharaftii ka soo qayb-galay xafladda xidhitaanka Barnaamijka Kobci Garaadkaaga oo ka hadashay madasha ayaa bogaadisay ka soo qayb-galayaashii tartanka iyo dhamaan hawl-wadeena wasaaradda Warfaafinta barnaamijkan ay wasaaraddu ay ku kobcinayso garaadka bulshadda. Marwo Hinda Jaamac ayaa sidoo kale uga mahadnaqday shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom maal-gelinta ay ku sameysay tartanka kobci garaadkaaga.

Ugu dambayn xafladda waxaa soo afmeeray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahii Faarax (Guri-barwaaqo), waxaanu ugu horayn u mahadnaqay shaqaalihii wasaaradda ee barnaamijkan Tartanka Kobci garaadkaaga habeen walba oo Ramadaan ah sida toos ah u baahinaayey. Wasiirka ayaa sidoo kale shirkadda TELESOM uga mahadnaqay maal-gelinta ay ku samaysay barnaamijka Kobci garaadkaaga. Wasiirka ayaa sheegay in Barnaamijkan uu yahay barnaamij Telefishanka Qaranku leeyahay cid gaar ah oo uu u xidhan yahayna aanay jirin, waxaanu sheegay inuu ku soo dhaweynaayo cid kasta oo danaynaysa in ay barnaamijkan maal-geliso.

Wasiirka Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo ayaa sheegay in barnaamijka Kobci garaadkaaga Weydiimihiisii iyo jawaabihiisii laga diyaarin doono Buug ay bulshadda ka faa’iideysato. Wasiirka ayaa ugu dambayntii Jeeg 10 milyan oo Somaliland Shilling ah guddoonsiiyey guuleystii ku guuleysta tartankan xidhitaanka kaalinta koowaad, tartankan oo lagu soo gunaanadday barnaamijka tartanka Kobci garaadkaaga.

Tartanka Bisha Ramadaan ee Kobci Garaadkaaga ayaa ah barnaamij ay hindistay wasaaradda  Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, barnaamijkan ayaa noqon doono mid ka mid ah barnaamijyadda Telefishanka Qaranka, iyo Raadiyow Hargeysa. Weydiimaha iyo jawaabaha barnaamijkan ayaa lagu soo daabici jiray Wargeyska Dawan ee xukuumadda.

Xafladda xidhitaanka Barnaamijka Kobci garaadkaaga ayaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyey Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom iyo shaqaalihii kala duwanaa ee habeen walba bacda taraawiixda sida toos ah uga si deyn jiray Telefishanka Qaranka Somaliland, Raadiyow Hargeysa iyo Wargeyska dawan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.