Tartanka Kubadda Cagta Ee Degmooyinka Hargeysa Oo Galabta Si Rasmi Ah Loo Furay

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u furtay koobka tartanka kubadda cagta ee degmooyinka caasimadda Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa si rasmi ah galabta u furay horyaalka degmooyinka caasimadda Hargeysa, oo ay lugtii koobaad ay wada yeesheen degmooyinka Axmed Macalin Haaruun iyo 26-ka Juun, waxaana kasoo qayb galay ciyaartaasi oo ka dhacday garoonka Hargeysa Stadium, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinayrada iyo Ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Weycigelinta Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Guddoomiye Ku xigeenka Xidhiidhka Kubadda Cagta ee Somaliland Khadar Jiilaal Jaamac, iyo taageerayaal badan oo soo buux dhaafiyay garoonka Hargeysa Stadium.

Kulankii koobaad ee tartanka kubadda cagta ee degmooyinka Hargeysa waxa foodda isku daray degmooyinka Axmed Macalin Haaruun iyo 26-ka Juun, waxaana qaybtii hore ee ciyaarta gool keensaday kooxda ku ciyaaraysay magaca degmada 26-Juun, oo daqiiqaddii 16aad uu u dhaliyay Nadiir oo sitay lambarka 90aad, goolkaasoo noqday kii ugu horreeyay ee la dhaliyo horyaalka tartanka kubadda cagta ee Degmooyinka Hargeysa ee sannadkan 2021-ka.

Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda ku ciyaaraysay magaca degmada Axmed Macalin Haaruun ay iskasoo gudday goolkii lagu lahaa, iyadoo daqiiqaddii 46aad uu u dhaliyay goolka bar baraha ciyaaryahan Cabdirisaaq oo sitay Lambarka 41aad ee demgada Axmed Macalin Haaruun.

Sidaasna ciyaartu waxay kusoo dhammaatay barbaro gool iyo gool ah.

Ciyaaraha degmooyinka caasimadda Hargeysa ayaa markii ugu horreysay la qabtay sannadkii 2018-kii, iyadoo markii ugu dambaysay ee la qabtaana ay ahayd sannadkii kaa xigay ee 2019-kii.