Taliyihii NISA Ee Gobalka Shabeellaha Dhex Oo Caawa La Dilay

Muqdisho – (warsoor) – Alle ha unaxariistee Cabdiwali Ibraahim Nuur oo ahaa Taliyihii ciidanka Nabad Sugidda Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa Caawa mid kamid ah ilaaladiisa uu ku toogtay carunta hay’adda NISA ee magaalada Jowhar.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Cabdi Kaamil Macali Xirsi oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyay in dilka Cabdiwali Ibraahim uu ka dambeeyay mid kamid ah Illaadiisa, kaas oo baxsaday dilka kadib.

nisa-sirdoon

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Xabisga loo Taxaabay Ilaaladii Taliyaha, Baarisna lagu hayo sida uu falka u dhacay iyo sababta uu u baxsaday ninkii dilka geystay.

Dilka ayaa dhacay iyadoo lagu gudo jiro waqtigii Afurka, waxaana Magaalada Jowhar iyo deegaanada ku dhaw dhaw ka socda baaritaano lagu goobayo kooxihii dilka ka dambeeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.