Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo kulan dhiira gelin ah la qaatay ciyaartooyda naadiga Horseed

Muqdisho – (warsoor) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa kulan is xog wareysi iyo dhiiragalin la qaatay ciyaartooyda naagdiga Horseed ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Ciyaartooyda iyo macalimiinta naadiga Horseed ayaa taliyaha xoogga dalka Soomaaliya uga warbixiyay guulaha iyo tartamada ay ka gaareen ciyaaraha ay sanadkaan ciyaareen

madaxa habmaamuuska ciidanka xoogga dalka ahna gudoomiyaha kooxda Horseed G/sare Maxamed Ahmed Digtoorka ayaa sheegay in kooxda Horseed ay dhawaan ciyaaro saxiibtinimo ay kusoo dheeli doonto dalka dibadiisa

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa ciyaartooyda iyo macalimiinta naadiga Horseed kula dar daarmay in ay xoojiyaan dadaalkooda.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.