Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Sh. Shariif

Muqdisho – (warsoor) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Generaal Hijaar oo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii Hore ee Dalka Mudane Sharif Sh. Ahmed.

Kulankan waxaa lagaga wada hadlay qorshaha sugidda amniga Musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka.