Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo Hambalyo u diray Taliska Ciidanka Xoogga dalka Xuska 12 April owgeed

Muqdisho (warsoor), Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, ayaa Hambalyo ku aadan Xuska 12ka April oo ah maalintii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka u diray Taliskaasi, waxayna sanadkaan u dabaal degayaan sanad guuradii 58 aad.

Taliyaha, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay yihiin Lafdhabarka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, isaggoo xusay in shaqo adag Qaranka ay u hayaan.

“Munaasabadda 12 ka April oo ku beegan Maalintii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka owgeed waxaa rabaa in Hambalyo aan Iraahdo dhammaan Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xiggeenada, Alifleyda, Dableyda Ciidanka Xoogga iyo Xaasaskooda, Ciidanka Xoogga dalka waxaa laf dhabar Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale ugu hambalyeynayaa guulaha ay kasoo hoyeen Dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada Arxanka darran” ayuu yiri S/guud Bashiir Maxamed Jaamac

12-ka April sanadkii 1960 ayey ahayd markii la aas aasay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ka soo wareegtay 58 sano.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa lagu Aasaasay ciidan ka kooban 8 horrimood, waxaa lagu magcaabi jiray xiligaasi magaca Cali Boobaaye, ciidankaasi ayaa tiradiisu ahayd 2000 oo Askari, waxaa laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee Gumeystihii Talyaaniga gumeysanjiray.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.