Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Booqday Fadhiisimada Ciidamada Ee Gobolka Sool

LAASCAANOOD – (WARSOOR) – Taliyaha ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa gaadhey gobolka Sool, isaga oo ciidamada Qaranka ku hambalyeeyey kaalinta ay kaga jiraan ilaalinta Qaranka Somaliland.

Taliyaha oo sidoo kalena socdaal ku tegay fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee deegaannada Tukaraq,Gambadhe iyo Dhabar Dalool ayaa socdaalkiisani ahaa socdaalkiisii uu ku mari jiray fadhiisimada ciidamada,isaga oo horena socdaalo kuwan oo kale ah ugu soo maray gobolka Sanaag oo uu kormeer ku tegay fadhiisimada iyo xeryaha ciidamada ee gobolkaas,sida uu kusoo waramaayo weriyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama gobolka Sool Barkhad Cumar Axmed.

Waxa uu sidoo kale Taliye Nuux Ismaaciil Taani socdaal ku maray maalintii shalay ahayd deegaano ay kamid yihin Adhi-Cadeeye,Laascaanood, Yagoori ,waxaanu taliyuhu ciidamada Qaranka Somaliland uga mahadceliyey sidii ay kaalinta weyn uga qaateen doorashooyinkii dalka ka dhacay ee wakiiladda iyo Deegaanka oo ay amaankooda sugayeen.

Afhayeenka Guud ee ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Gashaanle Sare Cabdi Dheere oo ka warbixiyey safarka Taliyaha ciidamada Qaranku ku tegay deegamadda gobolka Sool ayaa sheegay in taliyaha Ciidamada Qaranku ku bogaadiyey ciidamada Qaranka ee ku sugan degaanka Tukaraq iyo degaamada kale ee uu maray hawsha culus ee ay u hayaan Qaranka Somaliland.

Waxa uu sidoo kale Afhayeenka ciidanka Qaranka Somaliland sheegay in uu taliyuhu socdaal ku maray aagaga Waqooyiga gobolka Sool, gaar ahaana Qudhac Dheer iyo Saaxa Gebo gebo oo uu kula kulmay ciidamada Qaranka Somaliland ee degan oo halkaas u jooga kala dhex galka beelo walaalo ah oo halkaas hore ugu diriray,waxaanu kula dardaarmay taliyuhu ciidamadaas in ay ilaaliyaan nabadgelyadda degaankaas.