Taliyaha Booliska qaybta Saraar oo ka hadlay Dhuxulaysiga Sharcidarada ah ee Dalka laga dhoofiyo

CAYNABA (WARSOOR) -Taliyaha Booliska qaybta gobolka Saraar gaashaanle sare Maxamuud Yuusuf Cige (Raran) ayaa  ka hadlay Dhuxulaysiga sharcidarada ah ee dalka laga dhoofiyo, isaga oo sheegay muddooyinkii u danbeeyay ay gacanta ku soo dhigeen gaadiid dhuxul sida oo loo tahriibinayay gobollada barriga, gaar ahaan maamulka gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Sidoo kale waxaa uu xusay in toddobaadyada innagu soo foodka leh, ay lixda gobol ee barriga Somaliland, ay qaadi doonaan tallaabooyin ay ku cidhib tirayaan ka ganacsiga dhuxuleysiga sharcidarradda ah.

Waxaa kale oo uu xusay in xaalada nabadgelyo ee gobolka Saraar ay tahay mid meel fiican mareysa, oo aanay deerana deero hirdiyin.

Taliyaha booliska qaybta gobolka Saraar, gaashaanle sare Raran waxaa uu sidan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siinayay wargeyska Dawan, waxaanu yidhi.“Gobolka Saraar waa laba boqol oo Km, oo isku wareega arrinta dhuxulaysiga dhammaan wasaaraddaha lixda gobol, ee gobollada barriga iyo taliyeed qaybeedyada xeer ilaalinta maxkamaddaha wasaaradda degaanka iyo ay hoggaaminayso wasaaradda degaanku, shir ayaa la galay bishi hore dhammaadkeedii sidii loo xoojin lahaa ama loo tir tirilahaa dhuxulaysiga ka jira gobollada bariga Somaliland.

Muddooyinkii u danbeeyay waxaa aanu gobolka Saraar ku soo qabanay gaadiid dhuxul sida oo loo tahriibinayay gobollada barriga ee Puntland, kuwaas oo aanu  soo qabanay, arrinataasi waa loo balamay, sidii looga cidhibtirilahaana hawsheeda waa lagu jira.

Waxaa aanu rajjaynayna in toddobaadyada soo socda lixda gobol ee barrigu ay ku qaadaan hawlgal guud oo loo dhan yahay”