Taliyaha Booliska oo kormeeray barro kontorool oo laga sameeyay Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo Saraakiil kale ayaa xalay kormeeray barro kontorool, oo dhawaan laga hirgeliyay Magaalada Muqdisho, laguna baaro gaadiidka.

Kontrooladaan oo ay ku sugan yihiin ciidan boolis ah ayaa waxaa qaarkood laga sameeyay wadooyinkii toddobaadkii hore dib loo furay, ka dib markii laga qaaday dhegxaantii horey loogu jaray.

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa sheegay inay soo kormeereen illaa shan iyo toban kontorool, oo laga hirgeliyay inta u dhaxeyso Degmooyinka Kaaraan iyo Kaxda.

Taliyaha oo kormeerka ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kormeerkoodu uu la xiriiro inay soo qiimeeyaan qaabka, ay amniga u suggaan ciidamada ku sugan kontorooladaasi.

General Xijaar ayaa ciidamada kula dardaarmay inaanay dhibin dadka rayidka ah, isla-markaana ay u fududeeyaan kolka ay wadooyinka marayaan.

Shacabka reer Muqdisho ayaa qaarkood soo dhaweeyay in dib loo furo wadooyin sanado badan u xirnaa arrimo amni.