Taliyaha Booliiska Soomaaliya & Danjiraha UK ee Soomaaliya oo yeeshay kulan muhiim ah

Muqdisho – (warsoor) – Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, sareeyo gaas Cabdi Xasan Xijaar, iyo danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa ka wadahadlay arimmo badan oo ay ku jireen xoojinta taageerada Dalka Ingiriiska uu siiyo ciidanka iyo sugidda amniga doorashooyinka oo lafdhabar u ah Boliiska

Kulankaasi oo ka dhacay xarunta safaaradda UK ee magaalada Muqdisho,waxaa labada masโ€™uul ay is dhaafsadeen hadallo warbixin ah,iyadoo danjiraha uu bogaadisay shaqada adag ee ay hayaan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Taliyaha booliiska ayaa dowladda UK uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan ciidanka booliiska.

Dowladda UK ayaa kamid ah dalalka taageerada dhismaha dowladnimada Soomaaliya oo ay ku jiraan heyโ€™adaha nabadgeliyada oo booliisku ugu horeeyo.