Taliyaha booliiska oo dalacsiiyay askar tababar qaadanaysa

Muqdisho – (warsoor) – Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa Leyla saraakiil u dalacsiiyey Askarta Jaamiciyiinta ee ku jirta dugsiga tababarrada ee Jeneraal Kaahiye, munaasabaddaas  oo ay ka qeyb-galeen masuuliyin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabaddaan oo ka dhacdey xarunta tababarrada Boliiska Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, waxaa kor-joogeyaal ka ahaa Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaran iyo Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir, ciidanka halkaa ku sugnaa ayaa waxa ay soo bandhiggeen Gaadda ka cayaar, sidoo kale munaasadda waxaa lagu sagootinayey Ciidan dhallinyaro Waxbaratay oo Waxbarasho ciidan u aadaya waddanka Suudaan, sidoo kale waxaa joogey sareeyeyaasha iyo hoggaannada ciidanka Boliiska Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa darajada Kormeerre Koobaad iyo labaad u dalacsiiyey dhallinyarada waxbaratay ee u tababartay ciidanka Boliiska Soomaaliya, si uu ugu dhiirageliyo dedaalka iyo waddaniyadda ay muujiyeen inta ay tababarka ku jireen.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa sheegay in u jeedadu ay tahay in isbaddel weyn lagu sameeyo ciidanka. Lagana dhigo dad aqoon leh oo dadkooda u adeegaya.

Sidoo kale taliyaha Boliiska Soomaaliya, ayaa sheegay in 15, dhallinyaro ka baxdey Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye in ay waxbarasho muddo afar sanno ah u aadayaan dalka Suudaan, si waddankooda ay ugu soo kordhiyaan aqoon iyo isbaddel nabadgalyo.

Xildhibaan C/fataax oo ka tirsan Barlamaanka cusub ee Soomaaliya, ayaa boggaadiyey horumarka ka muuqda ciidanka Boliiska Soomaaliya.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in Boliisku uu u taagan yahay ilaalinta sharciga, waxa uu ku ammaanay taliyaha ciidanka Boliiska isbaddelka uu ku sameeyey ciidanka ee dhanka aqoonta ah, waxa uuna rajeeyey in Boliisku uu noqon doono  midka horumarka dalka hormuud ka noqdo.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliya, ayaa dhiiragelin iyo sagootin heer sare ah u sameeyey saraakiisha dhallinyarada waxbaratay ee waddanka Suudaan u aadaya afar sanno oo waxbarsho ciidan ah, taas oo wax weyn ku soo kordhin doonta ciidanka Boliiska oo helay dhallinyaro aqoonyahanno ah.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.