Taliska saddexaad Ee Ciidanka Dabdemiska Qaranka Laga Dhagax dhigay Degmada Wajaale

Hargeysa – (warsoor) – Ciidanka Dabdemiska Degmada Wajaale ayaa Laga Dhagax dhigay Magaaladaasi waxaana halkaa lagu qabtay munaasibad balaadhan oo ku saabsan xafladaa dhagax dhiga.

Munaasibadan waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin farabadan oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Wasaarada Caddaalada Axmed Faarax Caddare, Badhasaabka Gobolka Gabiley, Gudoomiyaha Degmada Wajaale iyo Maamulka ciidanka Dabdemiska Qaranka.

Ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha degmada Wajaale Aadan Shiine oo soo dhaweeyay in xarun ciidan laga furo degmada maadaama oo magaaladu tahay magaalo ganacsi ayna muhiim tahay in loo helo dabdemis lagaga hortago aafada dabka. sidoo kale gudoomiyuhu wuxuu xusay in dadaal weyn iyo garab wanaagsan uu ka helay masuuliyiinta ciidanka dabdemiska oo hadh iyo habeenba diyaar u ah sidii ciidanka loo gaadhsiin lahaa degmooyinka iyo magaalooyinka somaliland.

Taliyaha Ciidanka Axmed Maxamed Xasan [Sawaaxili] ,Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dabdemiska Cabdiqaadir Cumar Xaashi iyo Suldaan Axmed Daahir oo ka mida guddida Dabdemiska oo halkaa hadalka iska daba maray ayaa dhamaantood halkaa ka sheegay in dadaal weyn loo galay sidii degmadani ay u heli lahayd ciidan dabdemis oo u gaara, dadaalkaa dheer ee loo galay arrintaana maanta midha dhalkeedii ay muuqatay.

Sidoo kale Maamulka ciidanka Dabdemiska ayaa mahadnaq u soo jeediyay wasiirka maaliyada Sam Sam Cabdi Aadan oo kaalin weyn geysatay hirgelinta xarumaha Dabdemiska magaalooyinka Burco, Boorama iyo Wajaale sidoo kalena mar walba si dhaw ula shaqaysa Ciidanka Dabdemiska.

Ugu dambayn waxaa halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Caddaalaada Somaliland Axmed Faarax Caddare ayaa halkaa ka sheegay in magaalada wajaale ciidanka dabdemiska soo dhaweeyaan lana shaqeeyaan, sidoo kale waxaa uu xusay wasiirku in ciidankan magaalada wajaale lagu qaatay imtixaam dalkuna aanuu ahayn degmo degmo ee si caddaalada lagu qaadan doono dhamaan shaqaalaha somaliland meel kasta oo ay tahayba.

Gabagabadii waxaa halkaa laga dhigay xaruntii Ciidanka Dabdemiska Qaranka oo noqon doonta Taliska Saddexaad iyadoo hore ay u jireen taliska guud ee Magaalada Caasimada Hargeysa iyo Taliska Labaad ee magaalada Burco, Magaalada Wajaalena ay nasiib u yeelatay inay noqoto Taliska Saddexaad ee Ciidanka Dabdemiska Qaranka Somaliland.

Halkan ka daawo warkan dhagax-dhiga:

Degmada Wajaale/ Gabiley.

Hargeisafire.com

Emergency Call: 990

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.