Taliska Mareynkanka ee Afrika oo sheegay iney duqeyn ku dileen 62-maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab

Muqdisho – (warsoor) – Taliska Mareynkanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen 16-kii bishan December deegaanka Gandershe ee Gobolka Shabeellaha hoose ay la beegsadeen dagaalyahano ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Warka ka soo baxay Taliska Mareynkanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday 15-kii iyo 16-kii bishan December sanadka 2018-ka lagu dilay maleeshiyaad gaaraya 62,kuwaasi oo lagu beegsaday fariisimihii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Duqeynta koowaad oo dhacday 15kii bishan December ayaa lagu sheegay warka in lagu dilay 34 argagixiso, halka duqeynta labaad oo dhacday 16kii bishan oo shalay ku beegneyd lagu dilay 28 maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale Taliska ayaa sheegay in dhammaan waqtiyada ay dhaceen duqeynta aanay jirin qof rayid ah oo ku dhaawacantay ama ku dhimatay.

Howlgalka dhacay 16-ka bishan December lagana fuliyay nawaaxiga deegaanka Gandershe ayaa lagu beegsaday xero ay lahaayeen maleeshiyada Al-Shabaab, halkaas oo ay Ku diyaarinayeen weeraro argagixiso oo Ka dhan ah Shacabka Gobalka iyo sidoo kale Ciidamada Xoogga iyo AMISOM ee Ku sugan magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose.

Dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah waxaa Ka go’an in ay sii wadaan Dagaalka lagu wiiqayo awoodda argagixisada Al-Shabaab oo Ku taagaan waxyeelaynta shacabka Soomaaliyeed.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.