Taliska Ciidanka Xogga Soomaaliya oo Turkiga ka guddoomay Labis Ciidan

Muqdisho – (WARSOOR) – Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa guddoomay Dareeskan Ciidan oo Dowladda Turkigu ay ugu talagashey Ciidamada Cirka iyo Badda oo ka mid ah Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,waxaana ay ka guddoomeen saraakiil kale oo ka socotay Wasaaradad Gaashaandhiga Dalkaasi Turkiga.

Dareeskan Dowladda Turkigu ay ugu deeqday Ciidamada Cirka iyo Badda Soomaaliya ayaa isugiu jiray dhar iyo kabaha buudka ah iyo agab kale oo labiska ciidamada laxiriira,kuwaasi oo qeyb ka ah dadaalada ay dowladda Turkigu ay ku taageerayso ciidanka Xoogga Dalka.

Munaasabad kooban oo dareeskaasi loogu wareejinayay Ciidanka Xooga Dalka ayaa ka dhacay Xeraa Tababarka Jasiira,waxaana Taliyaasha Ciidamada Cirka iyo Badda Admiral Madey Nuurow Sheekh Ufurow iyo Maxamuud Sheekh Cali deble Baylood ay balanqaadeen in ay u maareyn doonaan sidii loogu talagalay.

“Maanta waxaan halkani ku guddoomaynaa dareeskan oo Dowlada Turkigu inoogu deeqday,mana-ahan markii ugu horeysay,waa markii labadaa oo deeq tan lamid ah ay inoo-keento Dowladda Turkiga,waxaan dhihi karnaa waa cusub ayaa inoo baryay,anagana waxaan balanqaadaynaa in aan u maareyno sidii loogu talagalay”.ayuu yiri taliyaha Ciidamada Cirka  Maxamuud Sheekh Cali deble Baylood

Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen. C/llaahi Cali Caanood ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga sida ay u garab taagantahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,isagoo ku tilmaamay mid dhiiro-gelinaysa Ciidanka Xoogga Dalka.

Dowladda Turkiga oo kamid ah saaxiibada Soomaaliya ayaa dowr muuqda ku leh taageerada ay siinayso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,sida hirgelinta mashaariic horumarineed iyo taageeridda ciidamada Qalabka sida.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.