Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland oo Been-Abuur ku Tilmaamay Warar Sheegaya in Ciidan ka Goostay

Hargeysa – (warsoor) – Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin Ciidan ka tirsanaa oo ┬ámeel kale tegay ama u goostay, wararka arrinkaa la xidhiidhana yihiin kuwo la been-abuuray.

Qoraal caawa ka soo baxay xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shabakada SomalilandSpan ayaa u dhignaa sidan:

Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland waxuu caddaynayaa inaanu jirin Ciidan ka tirsanaa oo meel kale tegay ama u goostay, isla markaana wararka lagu faafiyey warbaahinta qaarkood ee sheegaya in Ciidamo ka tirsan Somaliland u goosteen maamul-goboleedka Puntland yihiin kuwo la been-abuuray.

Waxaan caddaynayaa in warka sheegaya ciidan ka goostay Ciidanka Qaranka Somaliland, keliya xaqiiqda ku jirtaa tahay nin lagu magacaabo Cabdillahi Cabdi Cali (Gacan), balse, isagana sannad horteed dembiyo uu galay awgii looga saaray Ciidanka Qaranka, oo laftiisa iyo cid-walbana ogtahay, laakiin, aanu jirin askari kaloo ciidanka Qaranka Somaliland ah oo meel kale tegay.

Waxaan ummada Somaliland u xaqiijinaynaa in dhamaan xubnaha Ciidanka Qaranka Somaliland ku sugan yihiin rugahoodii, iyagoo gudanaya waajibaadkii ka saaran difaaca sharafta dalkooda JSL.

Qoraalkan ka soo baxay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Somaliland ayaa meesha ka saaraya warar warbaahinta qaarkood ku sheegayeen in Ciidanka ka tirsan Somaliland u goosteen Puntland.

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap