Taliska Ciidanka Booliska Ee Gobolka Togdheer Oo Soo Bandhigay 587 Quraaradood Oo Khamri Ah Iyo Gaadiidkii Siday

HARGEYSA – (WARSOOR) – Sida uu ku soo waramaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama maghaalada Burco Mahad-soomane ciidanku waxay kale oo ay gacanta soo bandhigeen midiyo ay siteen dad bulshada ku dhibaateeya.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Cabdilaahi (Nafaqo) iyo xubno ka mida guddida wanaag farista iyo xumaan reebista gobolka Tohdheer ayaa u mahadceliyay ciidanka booliska gobolkaas, waxaanay xuseen in talaabadaasi tahay mida kaalin ka qaadan doonta illaalinta anshaxa iyo ammaanka gobolka.

Ugu dambayn taliyaha qaybta booliska ee gobolka Todheer Maxamed Faarax Nuur ayaa sheegay in ciidanka booliska ee gobolka Togdheer diyaar u yihiin inay talaabo ka qaadaan cidkasta oo ku hawlan falal lidi ku ah amaanka iyo anshaxa bulshada.