Taliska Ciidamada Mareykanka Ee Africom Oo War Kasoo Saaaray Dagaalka Boosaaso

MARAYKANKA – (WARSOOR) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee Africom ayaa markii ugu horreysay waxaa uu war kasoo saaray hadlay dagaalka khasaaraha badan dhaliyay ee ka socda Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Qoraal kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee Africom ayaa lagu sheegay in PSF loo aas aasay la dagaalanka waxa ay ugu yeeraan Arga-gixisada, waxaana intaa ay ku dareen in dagaalada ay kula jiraan Ciidanka Madaxtooyada ay hoos u dhigi doonto awoodda Ciidanka.

Sidoo kale waxaa ay intaa ku dareen Talisku kooxaha kasoo horjeedda Puntland ay fursad u siin doonaan.

“PSF waa ciidanka ugu awoodda badan ee Puntland u jooga la dagaalanka argagixisada, waxaan ka walaacsanahay in iska horimaadyadani ay hoos u dhigaan awoodda PSF-ta iyo in kooxahan argagaxisada ah ay fursad u helaan in ay ka faa’ideystaan”.