Tahriibayaal Soomaaliya oo Lagu Qabtay Turkiga

Turkiga – (warsoor) – Tahriibayaal tiradoodu ka badan tahay 178 qof ayaa lagu qabtay Turkiga, ka dib markii la ogaaday inay dalkaasi ku soo galeen sifo sharci daro ah.

Wararka Turkiga ee ANADOLU oo xiganaysa xogo ay ka heshay Hay’adaha ammaanka dalka Turkiga ayaa sheegtay hawl-galo ay sameeyaan ciidamada amaanka ee Turkigu ay gacanta ku soo dhigeen Tahriibayaal tiro badan oo ka soo kala jeedo dalal kala duwan.

Tahriibayaasha gacanta lagu dhigay ayaa isugu jira muhaajiriin u kala dhashay dalalka Soomaaliya, Pakistan iyo dalka Afganistaan, waxaana lagu soo qabtay howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen wadaooyinka isaga kala goosha degmooyinka Uzunkopru iyo Enez ee gobolka Edirne ee dhaca Waqooyiga dalkaasi Turkiga

Saraakiil diiday in magacooda loo adeegsado warbaahinta sababao la xiriira xadidaad lagu sameeyey in ay la hadlaan warbaahinta ayaa xaqiijiyay in 4 kamid ah dadkii wax tahriibinayay la xiray.

Sidoo kale howlgal ka dhacay gobolka dhinaca Waqooyi kuyaala ee Canakkale waxaa lagu qabtay ilaa 14 qof,waxaa 6 kamid ah ay ahaayeen caruur,waana la xiray,Gobolka kale ee Balikesir waxaa lagu qabtay ilaa 43 qof xili ay saarnaayeen doon kuna sii jeeday dalka Gariigga,kuwaasi oo ay qabteen ciidamada ilaalada Xeebaha dalkaasi Turkiga.

Wakaaladda ANADOLU ayaa sidoo kale sheegaysaa in ilaa 30 qof oo kale oo dhamaantoodi ay yihiin Siriyaan lagu qabtay magaalada Altinozu ee gobolka Hatay,waxayna ka yimaadeen dalka Syria,si ay u galaan dalkaasi Turkiga.

Dalka TUrkiga ayaa marin u noqday muhaajiriin badanm tan iyo 2011 bilowgii colaadda dalka deriska la ah ee Syria,waxaa lagu qabtay dalkaasi dad gaaraya ilaa 265,000 oo muhaajiriin ah sanadkii 2018,sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi Turkiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.