Taalibaan oo isku diyaarineysa dhismaha gole wasiiro

KABUL – (WARSOOR) – Taalibaan ayaa sheegtay Sabtidii inay diyaarinayaan gole wasiirro oo cusub, iyadoo daad-gureyntii Mareykanka ay ku dhowdahay dhammaad, waxayna Taalibaan fileysaa inay hoos u dhacdo dhibaatada ka taagan qiimaha lacagta iyo qalelaasaha dhaqaale, kadib markii ay la wareegeen Kabul laba toddobaad kahor.

Zabihullah Mujahid, oo ah afhayeenka rasmiga ah ee Taalibaan, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters inay isku diyaarinayaan dhismaha xukuumad cusub, xilli ay gabaabsi mareyso ka bixitaanka milatariga Mareykanka iyo daad gureeyaan muwaadiniinta Mareykanka iyo dadka reer Afghanistan ee nugul, isla markaana ay ciidamadooda kala baxaan gegida diyaaradaha ee Kabul kahor wakhtiga kama dambaysta ah ee 31-ka bisha Agoosto oo uu cayimay Madaxweyne Joe Biden.

Wakhtiga saxda ah ee la soo dhisayo golaha wasiirada cusub weli ma cadda, waxaana Reuters markii hore Mujaahid ka soo xigatay in lagu dhawaaqi doono isbuuca soo socda, laakiin farriin cod ah ee uu goor dambe soo gaarsiiyay ayuu ku sheegay inay qaadan doonto dhismaha golaha wasiirada cusub โ€œhal ama laba toddobaad.”

Mujaahid ayaa dhinaca kale dhaleeceeyay duqeyn ay diyaarad aan duuliyaha laheyd ee Mareykan ay la beegsadeen mitiidiinta Daacish, kadib weerarkii is-miidaaminta ee Khamiistii ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha, isagoo ku tilmaamay “weerar cad oo lagu qaaday dhulka Afghanistan”.

Laakiin, dhinaca kale wuxuu ka codsaday Mareykanka iyo waddamada kale ee reer Galbeedka inay ilaaliyaan xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya, kadib bixitaankooda.

Mujaahid waxa uu sheegay in maalmo kahor masuuliyiin loo magacaabay inay maamulaan hayโ€™ado muhiim ah oo ay ka mid yihiin wasaaradaha caafimaadka dadweynaha, waxbarashada iyo Bangiga Dhexe.

XIGASHO: VOA SOMALI