Sweden oo taageeraysa ganacsatada Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Wakaaladda caalamiga ah ee horumarinta u qaabilsan Sweden – SIDA, iyo qaar ka mid ah hay’adaha iyo bankiyada gaarka loo leeyahay ee lacagta ee dalka ayaa kaga dhawaaqay magaalada Hargaysa barnaamij ay wadajir u fulinayaan oo ku saabsan sidii dayn iyo gacan qabasho loogu fidin lahaa ganacsatada yaryar, siiba haweenka.

Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay safiirka Sweden ee Soomaaliya, Andreas Von Uexkull, wasiir xigeenka wasaaradda qorsheynta ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, Xuseen Ibraahim xasan, iyo ganacsatada hay’adaha lacagta.

Haddaba barnaamijkan oo socon doona ilaa iyo sanadka 2022, waxaa lagu bilaabayaa amaah la siinayo ganacsatada yaryar oo dhan ilaa shan malyan oo Doollar.

Arrimahaas ayaannu ka wareysanay maamulaha guud Dahabshiil Bank, Cabdirashiid Dahabshiil, oo munaasabaddana hadal ka jeediyay. Wariyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayuu u warramay.

 

Xigasho; BBC

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.