Suldaanka Guud Ee Beesha Arab Oo Qado Sharaf Ku Maamuusay Gudoomiyaha Shirkada TELESOM

Hargeysa  (warsoor) – Suldaanka guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa waxaa uu maanta munaasibad qado sharaf ah ku maamuusay gudoomiyaha Shirkada TELESOM Cabdikariim Maxamed Iid ka dib  abaal marin caalami ah oo uu ku guuleystay.

Munaasibada  qado sharafta oo ka dhacday Hotel Ambasadoor ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ganacsato , Siyaasiyiin , Dhakhaatiir iyo Masuul  ay ka mid yahiin Dr Saleeban Cabdi Guuleed iyo Ganacsade Xassan Bulbul mulkiilaha Hotel Hadhwanaag.

Ugu horeyn Suldaanka Guud ee beesha Arab oo madasha qado sharafta ka Hadley ayaa sheegay in ujeedka uu qadada u sameeyey ay tahay guusha balaadhan ee ay shirkada gudoomiyaha ka yahay u soo hoysay qaranka Somaliland , waxaana guul ay shirkada Telesom gaadho ku tilmaamay guul qaranka Somaliland gaadhay , waxaana uu kula dar daarmay in dadaalka halkaas ka sii wadaan.

Sidoo kale gudoomiyaha Shirkada Telesom Md Cabdikariim Maxamed Iid oo hadalka qaatey ayaa Suldaanka  Guud ee Arab , Siyaasiyiinta iyo masuulyiinta qado sharafta  lagu maamusay ka soo qeyb gashay uga mahad naqay  maamuuska ay u sameyeen isaga oo si gaar ah ugu mahad naqay suldaanka guud ee beesha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed .

Ugu Danbeyn Suldaanka ayaa Gudoomiyaha shirkada TELESOM Gudoonsiiyey abaal marin uu ugu talo galay isla markaana uu ku sii dhiiri galinaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.