Suldaan Sheegay In Fanaanada Nimco Yaasiin DNA laga Qaado

Hargeysa – (warsoor) – Suldaan Naasir Suldaan Cabdi ayaa sheegay in fanaanada Nimco Yaasin Caraale oo mudooyinkii u danbeeyey muran dhanka qabiilka ah uu ka soo baxayey kadib markii muuqaal ay soo duubtay gabadh sheegtay in ay tahay walaasheed taasi oo ku dhawaaqday in walaashood Fnaanad Nimco yaasin laga kaxaystay.


Murankan kadib suldaanka ayaa maanta sheegay in ay tahay in DNA (Dheecaanada Hido Sidayaasha ah ) lagu kala saaro muranka xaga isirka ah ee soo baxay oo u dhaxeeya Nimco Yaasin Caraale Iyo Adeega Yaasin Caraale oo ku muran san in ay yihiin walaalo.

Murankani dhanka isirka ah ayaa soo xoogaysanaya kadib markii hadal haynta bulshadu ay badatay taasi oo keentay in ay soo baxeen dad yow kala duwan oo si weyn u danaynaya arintaas, balse arintani ayaan ilaa hada aysan ka hadal fanaanada Nimco Yaasin Caraale oo ay dhamaan hadaladani si gaar ah u khuseeyaan.




Tan iyo wakhtigii ay uu soo baxay muuqaal kani laga duubay Adeego Yaasin Caraale ayaa dhaliyey in suldaan Naasir Suldaan Cabdi uu arintaa ka hadlo oo uu sheego in Dheecaanda hido sidayaasha ah lagu kala saaro labada dhinac.

HALKAN KA DAAWO WARKAN JANALKA HIDESIDE;

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.