Soomaaliya oo u digtay maraakiib si sharci-darro ah ku kalluumeysanaya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulugga ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ururisay caddeymo muujinaya in maraakiib laga leeyahay dalal shisheeye oo kala duwan ay si sharci-darro ah uga kalluumeysanayaan biyaha Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in caddeymahaas ay muujinayaan in maraakiibtaas ay ka howlgalayeen aagga dhaqaalaha badda ee EEZ tan iyo bishii Janaayo ee 2023.

“Haddaba Wasaaradda Kallunmeysiga iyo Dhaqaalaha buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in dhammaan maraakiibtaasi ay sharci darro kusoo galeen biyaha Soomaaliya kuna kalluumaysanayeen, islamarkaana aysan jirin wax ruqsad kalluumeysi ah oo ay ka haystaan Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay wasaaradda soo saartay.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Sid ku cad, qodobbada 11-aad, 12-aad, 13-aad ee Sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya, Bixinta ruqsadaha kalluumeysiga maraakiiibta qalaaad waa awood dastuuri ah oo heer federaal ah, waxaana bixin kara oo kaliya wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Federaalka.”

Wasaaradda ayaa ugu baaqday in dhammaan dalalka laga leeyahay maraakiibta ku jira biyaha Soomaaliya inay deg deg ugala baxaan, soona celiyaan “hantida ay sida sharci darrada uga qaateen” dalka haddii kale waxay tiri “waxaa lala tiigsan doonnaa sharciga.”