Soomaaliya oo laga cafiyey $69.9 Milyan

Muqdisho – (warsoor)ย โ€“ Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay heshiis cusub oo deyn cafin ah oo ay la saxiixatay dalalka England, Denmark & Netherlands.

Saddexdan dal ayaa Soomaaliya ka cafiyey qeybo ka mid ah lacagihii ay ku lahaayeen taas oo dhan illaa 69.9 milyan oo lacagta Dollerka Mareykanka ah.

Soomaaliya ayaa waxaa heshiiskan oo muhiim u ah u saxiixay wasiirka maaliyadda, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Saxiixaan ayaa daba socda goโ€™aankii kasoo baxay shirkii dhacay 31-kii Maarso 2020 ee Soomaaliya looga saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan, iyadoo heshiiska shirkaas qodob ka mid ah uu dhigayay in Soomaaliya ay dal waliba gooni ula saxiixato inta uu ka saamaxay.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh ku bixisay arrimaha deyn cafinta dalka, iyada oo ku guuleysatay in laga cafiyo qaar ka mid ah deymihii lagu lahaa.