Soomaali badan, ayaa xilligan in qofku naaxo ama uu cayilo waxay u arkaan inay qurux iyo caafimaad tahay

Xitaa dhalinta soomaalidu waxay cabaan shaaha caanuhu ku badanyahay, waxayna joojiyeen gabi ahaanba jimicsiga iyo jidh dhiska, si ay calool ugasoo baxdo. Marka la waydiiyo,

maxaad caloosha u weynaynaysaa?

Waxay ku jawaabaan: hadii aanaan calool lahayn nalama aaminayo, ninba ninkuu ka clool waynyahay ayaa lagu kalsoonyahay.

Run ahaantii dhaqankaas, waxa rumaysnaan jiray reer galbeedka waagii hore ee aanay ilbaxnimada gaadhin, hase ahaatee markii dadka cilmiga iyo aqoonta ay heleen, waxa la ogaaday in baruurta iyo cayilka badan uu keeno cuduro aad u badan, sida jilbo xanuunka, kolestaroolka kiisa xun oo sare u kaca, wadno xanuun, dhiig kar, cudurka sonkorta iyo qaarkale oo badan.

Hadii aynu fiirino dhaqankii hore ee soomaalida, wiilku wuxuu ahaa geeljira murquhu u go’aynihiin, gabadhuna waxay ahayd gashaanti shaqada guriga ka adag oo jidhkoodu dhisanyahay.

Dhibaatada cayilku waa mid haysta aduunyada oo dhan. Labaatanka wadan ee miisaankoodu aad u culusyahay waxa kamida 5 dal oo islaama, waana wadamada Kuwait, Qatar, Masar, Baxrayn iyo Sacuudiga.

Ugu Danbayn, waxaynu leenahay ragga iyo dumarka cayilku asiibay, waar fadhiga kakaca oo jimicsiga sameeya, cuntooyinka aan nafta lahayn sida (Fast foods) ka iyo kuwa sonkorta iyo duxdu ku badatahay iska ilaaliya.

Dr.Xasan Coombe

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap