Somaliland oo xukun ku riday Askari Dil bareer ah u geystay Arday Jaamacadeed

HARGEYSA – (WARSOOR) – Maxkamadda Ciidamada Milateriga Somaliland ayaa Maanta oo Arbaco xukun dil toogasho ku riday Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland oo 5-tii bishii July 2021 dil ka geystay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.

Maxkamadda Somaliland ayaa xukunkaas ku riday Cismaan Diiriye Buraale oo ah Askari si bareer ah gudaha Jaamacadda Camuud ee Magaalada Boorama ugu dilay Ibraahim Cabdishakuur Ibraahim oo ka mid ahaa Ardayda.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Milateriga ayaa sheegtay in Cismaan Diiriye uu qirtay inuu dilay Marxuum Ibraahim Cabdishakuur oo Adey ahaa, waxaana Maxkamadeyntiisa oo maalmahan socotay lasoo gaba-geeyay Maanta.

Dilka loo geystay Marxuum Ibraahim oo dhacay 5-tii bishii July ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Askariga iyo isaga uu muran soo kala dhexmaray, kaasi oo la xiriiray in Cabdishakuur uu dalbaday in uu soo qaato taleefon uu ku soo iloobay Fasal uu Imtixaan kugalay, balse uu rasaas ku furay Askariga.

Si kastaba Maxkamadda Ciidamada Milateriga Somaliland ayaa horey sidaan oo kale xukuno kala duwan ugu riday Askar iyo dad kale oo dilal ka geysatay gudaha deegaanada Maamulkaas.