Somaliland oo Midowga Yurub u Cadaysay in Wada-hadalladu Ka Jiitamayaan Dhinaca Soomaaliya

Hargeysa – (warsoor) – Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada Qaranka ayaa Ergayga Midowga Yurub u sheegay in guddiyadii Wada-hadallada uga qayb-gelayey Somaliland ay diyaar yihiin, balse dib u dhaca jiraa uu ka yimid dhinaca Soomaaliya, maaddaama oo ay laba jeer la yimaaddeen Cudur-daar baajiyey Wada-hadalladii guddiyada Farsamo.

“Waxaanu ka wada-hadalnay shirkii Jabuuti ee Somaliland iyo Soomaaliya oo guddiyadii saddexda ahaa aad mooddo inuu laba jeer dib u dhacay, arrintaana waxaanu u sheegnay inay xagga Soomaaliya ka socoto, laakiin Xagga Somaliland ay Guddiyadii diyaar u yihiin inay tagaan Jabuuti..” ayuu yidhi Prof. Axmed Cabdi Muuse (Ebyan) oo sharraxaya qodobbadii ay ka wada-hadleen Madaxweynaha iyo Xisbiyada oo isku dhinac ah iyo Ergayga Midowga Yurub

Soomaaliya ayaa laba jeer dalbatay in dib loogu dhigo wadahadalka labada dhinaca ee ka furilahaa dalka Jabuuuti taasi oo muujinaysa in aanay daacad ka ahayn dawladda Xamar in ay sii socdaa wadahadalladu .