Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Ka Furatay Xafiis Dimlamaasiyadeed Dalka Sweden

Sweden – (warsoor) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Somailand ayaa markii ugu horeysay ka furatay xafiis diblamaasiyadeed dalka Sweden, waxaana habeenkii Arbacada ee taariikhdu ahayd 17 May 2017, xadhiga ka jaray wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire. Waxaana halkaasi warbixin ku siiyay wakiilka Somaliland ee dalka Sweden Amb. Sakariye Xasan Wacays oo madaxweynaha Somaliland iyo wasiirkaba uga mahadceliyay fududeynta sidii uu xafiiskan loo furi lahaa, isagoo intaasi ku daray in ay doorteen inay xafiiskan ka furaan goob ay ku yaallaan safaarado badan oo degan dalka Sweden. Sidoo kalena u mahadnaqay Jaalliyada Somaliland ee Sweden, masuuliyiinta xafiiska Jaalliyada iyo ergeyga gaarka ah Somaliland u qaabilsan Yurub Michael To oo sida uu sheegay gacan weyn ka geystay hirgalinta xafiiskan.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. sacad cali Shire ayaa isna waxa uu ku dheeraaday muhiimada xafiiskani u yeelan doono dalka iyo dadka Somaliland. Waxaanu xusey in uu door muhiima ka qaadan doono isku xidhka jaalliyada iyo ictiraaf raadinta Somaliland oo uu noqon doono xafiis Somaliland ku soo jeedin doona sidii ganacsatada reer Sweden u maalgasahan lahaayeen Somaliland. Waxaanu sheegay in furitaanka xafiiskani kusoo beegmay dabaadega sannadguurada 26-naad ee kazoo wareegtay maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay lataliyaha madaxweynaha ee arrimaha Saxaafada Md Khadar cali Gaas, gudoomiyaha guddida Ictiraaf raadinta Maxamed Yusuf (Badda), gudoomiyaha Jaalliyada Somaliland ee Sweden Mustafe…….. , ergeyga gaarka ah ee Somaliland Yurub u qaabilsan Michael Toiyo qaar ka mid ah jaalliyada Somaliland eek u dhaqan dalkaasi oo madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisa uga mahadceliyay furitaanka xafiiska oo ay intaa Somaliland jirteyba sugayeen furitaankiisa marar badana ka dalbadeen xukuumadda in xafiis diblamaasiyadeed ay ka furto dalka Sweden.

Munaasabada furitaanka ka dib waxa wasiirka iyo weftigii balaadhnaa ee uu hoggaaminayay ka qayb galeen munaasabad balaadhan oo lagu xusayay furitaanka Safaarada oo ka dhacday Madxafka Taariikhda ee Sweden oo ku yaalla meel aan ka dheereyn xafiiska lagu qabtay. Waxaana kazoo qayb galay 15 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Sweden, saaxiibada Somaliland, saxaafada Sweden iyo jaalliyada Somaliland ee Sweden, iyadoo wasiirku si gooni gooni ah uu ula kulmay mudanayaashii baarlamaanka iyo saaxiibada Somaliland ee kazoo qayb galay kullankan, waxaanu uga mahadceliyay dowladda iyo dadka swedenba doorka ay ka qaataan mashaariida horumarinta ee Somaliland ka socda isagoo ugu baaqay in ay gacan ka geystaan aafada abaartii dalka ka dhacday ka tagtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.