Somaliland Iyo Jabuuti Oo Kala Sexeexday Heshiiska Dhismaha Wado 300KM Oo Isku Xidhi Doonta Lawyacado Ilaa Boorama Jabùuti… Danjire Abdifatah

Jabuuti – (WARSOOR) – Kulan balaadhan oo laga hadlay dhimaha waddo 300km oo isku xidhi doonta Lawyacado ilaa Boorama oo uu maalgalinayo Bangiga Horumarinta Afrika ayaa waxa ka soo qaybgalay wufuud ka socota labada dal ee Somaliland Iyo Jabuuti.
Shirkan labada dawladood ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Wasaarada Maaliyada Jabuuti, kaas oo ay ka soo qaybgaleen ilaa 4 wasiir oo dalka Jabuuti ah iyo Masuuliyiin ka tirsan bangiga Horumarinta Afrika.

Dhinaca Somaliland waxa kulankan uga qaybgalay weftibuu hoggaaminayey Wasiirka Gaadiidka, Agaasimaha hay’adda Horumarinta Jidadka iyo Safiirka Somaliland ee dalka Jabuuti.