SOLJA oo Cambaaraysay Xukuumadda Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareyey xukuumadda Somaliland, ka dib markii ay ruqsaddii shaqo laga noqotay laba Telafishan oo ka hawl-gala Somaliland.

Guddoomiyaha ururka suxifiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay in xukuumaddu joojiso hay’addaha warbaahinta ee ay albaabada iskugu dhufanayso.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee guddoomiyaha SOLJA: