YUKRAYN IYO RUUSHKA TAARIIKH ISKU MURUGSAN MUDDO QARNIYO AH WQ/Rashiid Odowaa

Waxa wiiggan Gudihiisa ay xukuumaddu ruushku weerar ku qaadday dalka Yukrayn oo dadka ku noolli yihiin 77.8%Ukranian halka 17.3% yihiin dad Russian ah inta soo hadhayna waa dadyow kale haddaba aan dib ugu yara milicsanno taariikhda ay wadaagaan labadan waddan ee hore u wada ahaa Midowgii Sovieti iyo halka ay Colaaddu salka ku hayso.

Labadan waddan waxay wadaagaan taariikh dheer oo isku murugsan oo ku siman muddo 1000 sano ah waxa jirtay wakhti ay Caasimadda Maanta Ukraine Kiev ay u wada ahayd Caasimad iyagoo labada waddan isku yihiin (Slavic state) 988 CD  xilligaa uu dalka Xukumayay Vladimir (1) weeraro badan oo ay ku soo qaadeen Mongoliankii,Lithuawninan iyo polishkii waxay noqotay  Yukrayn in loo kala qaybiyo Gobollo, oo qayb waxa loo bixiyay dhinaca bidix ama bari ee Yukrayn waxa xukunkeeda gacanta ku dhigay Ruushanka qaybta Galbeed waxa qabsatay Poland.

Qarnigii 19aad 1793kii bilowgiisii ayuu Ruushku qabsaday dhinac galbeed ee Yukrayn waxa uuna ruushku Masaxay dhaqankii iyo hidihii ay lahaayeen dadka reer Yukrayn isagoo rabay Siyaasaddiisii Ruushaynta waxa uu mamnuucay in lagu hadlo luqaddii Yukrayn waxana dadka lagu khasbay inay afka ruushka bartaan ayna qaattaan mad habta Orthodoxka.halka markii hore ay ka ahaayeen Chatolic

Markii uu dalka ka Curtay Kacaankii Ruushka 1917kii Yukrayn waxay ka mid ahayd meelo badan oo ka hor yimi mabda’aas shuuciga Hantiwadaagga oo aan raalli ku ahayn iyagoo gooni u goosad rabay hase yeeshee waxa ku dul dhismay Midowgii Soveyeeti 1922kii.

1930kii waxa dadka Reer Yukrayn aan ka bixin wali Cuqdadii iyo Ciilkii uu mariyay  hoggaamiyihii kali taliska ahaa Ee Joseph Stalin waxa dadka kala wareegay Beerohoodii waxanu ku khasbay inay khasab wax ku beeraan waxa iska leh waxa soo go’a kacaanka shuuciga  si hadhuudhka ay beeraan loogu quudiyo Ciidanka Midowga Sofiyeeti ee ka dagaalama furimaha iyo dalalka uu gacansaarka la leeyahay qofka reer Yukaryn umuu heli jirin fursad uu ku quudiyo naftiisa iyo qoyskiisa shaqada oo ahayd 24saacadood qofka ka hor yimaadda waxa uu ahaa dal dalaad  waxay u yaqaanan reer Yukrayn Xasuuqii (Holodomor) oo ah macnaha  dhimashadii gaajada

Waxa taasi keentay inay macaluul u dhintaan Saddex milion reer Yukrayn ah.waxa ay dadka reer yukrayn in badan ku taamayeen mar uun inay ka hoos baxaan Ruushka oo Maraykan iyo reer galbeed xidhiidh la yeeshaan  waxase caqabad ku ah Gobollada Crimea iyo Donbaska (Luhanski iyo Donaski) oo iyagu u janjeedha dhinaca Ruushka dadka dhulkan ku nool badankoodu waa Ruush.

Markii Haddaba uu Bur buray Midowgii Soofiyeeti 1991 Yukrayn waxay noqotay Waddan Madax banaan lakiin Midnimadii waddanka waxay noqotay shaqo adag waxay markaa noqotay in dadka bariga Yukrayn inaanay noqonin dad daacad u ah waddanka halka dadka Galbeedku ay ka go’antahay inay ka fogaadaan Ruushka iyo wuxuu cago ku qaatoba.”dareenka waddanimo kuma xeel dheera xagga barigu sida ay yihiin Qolada galbeedku”sidaa waxa yidhi safiirkii hore u joogay waddanka Maraykanka “Steven pifer” markaas wuxu u jeedaa Gobollada Crimea iyo Donbaska (Luhanski iyo Donalski).

Sidaas darteed markii uu 2014kii bilaabmay kacdoonkii Hurdiga ahaa ama “kacaankii sharafta” ee Ruush nacaybka waxa lagu riday Madaxweynihii u janjeedhay dhanka Ruushka ee Victor yanukovij ka dib markii uu ruudhka la galay heshiis u ogolaanaya in ruushku muddo 25sano ah isticmaalo Badda Madaw madxweynihii yukrayn waxa uu firxad ku galay Ruushka, markaas ka dib ayay Ciidanka Ruushku soo galeen Crimea uuna u aqoonsaday dal madax banaan wakhtigan hadda ah waxa uu aqoonsaday Gobollada Donbaska (Donalski iyo Luhanski) halkaas oo markiiba Ciidankiisu soo galeen.

Isku soo wada duub dadka reer Yukrayn intooda badan marka laga reebo qolyaha Bariga ayaa Doonaya inay maalin maalamaha ka mid ah Noqdaan waddan Dimoqraaddi ah oo ku biira Yurubta Galbeed iyo Gaashaan buurta NATO waddamada reer Galbeedku waxay u arkaan waddan Yurub ah oo xaq u leh inuu ku biiro NATO Ruushku wuxu isagu arkaa inay Ukraine iyo Ruush yihiin dad isku mid ah oo aan la kala saari Karin

Madaxweyne putin ayaa isagu ku doodaya inuu ka sifaynayo Yukrayn Naziga Cusub ee Soo galay uuna difaacayo danihiisa,isla markaana wuxu diiddanyahay in Nato saldhigyo ka samaysto waddan jaarkiisa ah oo isagu arko inuu ka mid yahay dalkiisa

Waxa isguna mabda’iisa ku adkaysanaya madaxweynaha Yukrayn  ee hadda talada haya Vladimir Selaniski iyo dadkiisa oo u janjeedha dhanka Reer Galbeedka ayaa ay ka go’antahay inuu waddankiisu madaxbanaanidiisa sii wato.Waxan la saadaalin Karin dagaalka uu wakhtigan ku qaday Vladimir Putin ee ciidanka ruushku ku galeen yukrayn waxa laga cabsi qabaa inuu dagaalku daba dheeraado isla markaa uu bato khasaarihiisa iyo Saamayntiisu.

Tixraac

By Eve Conant 21 feb 2022