Xuska sannad-guurada 20-aad ee Faarax Oomaar

Maanta oo kale, 20 sanno ka hor, waxa dib loo furay dugsigii sare ee ugu horeeyey Somaliland wixii ka dambeeyey dagaalladii SNM dalka kaga xoraysay nidaamkii Siyaad Barre, dagaalladaas oo gaystay burbur sida looga soo kabtay ay la-yaab tahay.

mustafe-m-khayre
Mustafe Maxamed Khayre

Waxay ahayd Arbaca, 16-kii October 1996. Subaxnimo hore, goor dhulku qabow yahay cirkana ceeryaan khafiif ahi ku dedan tahay, ayaanu ku soo qulqulnay Faarax Oomaar oo ku yaalla meel aan ka durugsanayn xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Hargeysa annagoo fulinayna ogaysiis laga sii daayey Raadyow Hargeysa oo odhanayey:

“Dhammaan ardaydii ka qalinjabisay dugsiyada dhexe ee imtixaankiina gudubtay waxa lagu wargelinayaa in ay Arbacada 8.00-da subaxnimo yimaaddaan dugsigii sare ee Faarax Omaar”.

Barxadda hore ee Dugsiga ayaanu isa soo tubnay annaga oo ka koobnayn ku dhawaad 160 arday oo ka soo kala baxay dugsiyada dhexe ee 31-ka May (Dhallinta Kacaanka), Sheekh Bashiir, Biyo-dhacayga Hoose iyo Axmed-Guray (Quulle Aadan). Niyadda aanu haynay waxad moodaysay in jannadii naloogu ballan qaaday. Waxa naga baxay shakigii ahaa dawladdu ma laha awood ay ku furi karto dugsiyo sare.

Waxa halkaas nagu sugayey maamulihii koowaad ee Faarax Oomaar-ka cusub, Cali Cabdi Jiciir, macallin Cabdiqaadir Afrika iyo guddoomiyihii waxbarashada ee Gobolka Hargeysa (Maroodijeex) oo aan u badinayo in uu ahaa Xasan-Qaxar.  Albaab bir ah oo ranji buluug ahi ka sii muuqdo, garaa’id dhaadheer leh, oo ay oodi ku tuulan tahay meel walbana silig kaga maran yahay ayay naga fureen waxayna yidhaahdeen “soo dhawaada” iyagoo dhoola caddaynaya. Waxay noo raaciyeen in aanu marka hore soo daawano muuqaallada dugsiga kadibna ay noo sheegi doonaan  farriimo muhiim ah.

Dhismaha dugsiga waxa ka muuqday dayac ba’an iyo baylah aan xad lahayn taas oo uu kala sinaa dhismeyaashii kale ee ku burburay dagaalladii dalka aafeeyey. Inkastoo aan saqafka sare laga goosan, haddana daaqadaha iyo albaabaduba way jajabnaayeen; kartoono, baco iyo maryo ayaa lagu gufeeyey. Istambarka iyo nuuradda gidaarradu way duugoobeen waxaana ka sii muuqday weedho nagu beerayey cadho oo ay dawladdii Siyaad Barre kaga tagtay, sida XHKS oo u taagnayd Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed dadkuna u rogeen Xaasidkii Hooyadii Kaxaday Sonkorta. Waxa kale oo ka muuqday xarxariiqyo faro badan iyo qoraallo aan ujeeddo lahayn oo u ekaa in ay carruuro ku feegareen.

Guud ahaan dugsigu wuu haawanayey wuxuna ka arradnaa dhammaanba kaabeyaasha waxbarashada sida  kuraas, miisas, manhaj, tamaashiir, buugaag wax laga barto iyo macallimiin. Meelaha kaliya ee ay indhuhu iska xajin karayeen waxay ahaayeen dhawr fasal oo ay wax ku dhiganayeen ardayda madarasadda Al-furqaan kuwaas oo dib-u-habayn nadaafad ku kooban lagu sameeyey. Waxanu filaynay in aanu tegi doono meel ka qurux badan kana habaysan dugsiyadii dhexe aanu ka nimid, runtuse waxay noqotay wax aanaan jeclaysan.

Hase ahaatee waxa yididiilo nagu beertay khudbaddii uu noo jeediyey maamule Cali Cabdi Jiciir taas oo aan is leeyahay meesha kaliya ee ay kaydsan tahay waa maskaxaha iyo xusuus-qorradii ardaydii maalintaas dhagaysanaysay.

Ugu horeyn wuxu noogu bushaareeyey in ay Wasaaradda Waxbarashada diyaar ku yihiin kuraastii iyo miisaskii aanu wax ku baran lahayn loona baahan yahay in arday kastaaba dhabarkiisa ku soo qaato. Wuxu noo raaciyey in Wasiirkii Waxbarashada, Jaamac Khayre Wacays (Alle ha u naxariisto) iyo Agaasimihii Guud, Xuseen Cilmi Warsame ay halkaas diyaar noogu yihiin si ay noo soo dhaweeyaan.

Maamule Jiciir wuxu intaas ku daray in la joojiyey manhajkii dawladdii hore ee af-Soomaaliga ku salaysnaa lana qaatay ka Boqortooyada Ingiriiska sidaas daraadeedna af-Ingiriisi wax lagu baran doono. Isbedelladaasi inay faa’iido noo leeyihiin iyo in kale ma aanu qiimayn karayn balse weedh kasta oo afkiisa ka soo baxda, waxa ay doontaba ha noqotee, sacab iyo niyadsan ayaan ku qaabilaynay.

Muddo yar dabadeed maamuluhu wuxu nagu soo rogay in shaadh cad dirays ahaan loo soo qaato haddana wuxu ka daba keenay surwaal madow. Waa halka ay ka yimaadeen shaadka cad iyo surwaalka madow ee dugsiyada sare ay maanta qaataan. Isagoo ku hadlaya siiqaddii kaftanka ahayd ee uu caanka ku ahaa ayuu yidhi “Shallilaayaa ma shaadh cad baad waayaysaan? Al-madaad yaa nidaamka aynu xoojino.” Maanaan ogayn in ay hindiseyaal isaga u gaar ah ahaayeen iyo in ay wasaaraddu kula socotay waanuse aqbalnay. Beri dambe wuxu ii sheegay in ay ahaayeen amarro isaga ka soo fulay. Cali  Cabdi Jiciir iyo macallimiintii bilaa mushaharka kula soo shaqaysay waxay taariikhda waxbarashada ku leeyihiin baal dahab ah.

Maamule Cali Cabdi Jiciir

Sidaas ayay maalinba ta ka dambaysa wax noogu soo kordhayeen. Tayada waxbarashada iyo rajooyinkuna way sii wanaagsanayeen ilaa markii dambe aanu gaadhnay heer aanu yeelanay garoon aanu gabdho iyo wiilalba kubbadda kolayga ku ciyaarno iyo shaybaadh qalabkiisu kooban yahay oo aanu mararka qaar tijaabooyinka sayniska ku samayno.

Maalmihii Dugsiga Faarax Oomaar waxay ahaayeen kuwo xusuuso miidhan ah oo la socday duruufihii dalka ka jiray iyo da’dii aanu ahayn. Giddigood halkan laguma soo koobi karo laakiin dhacdooyinka aan xusi karo waxa ka mid ah xafladihii aanu samayn jirnay xidhitaannada sannad-dugsiyeedka. Waxan si gaar ah u xusuustaa fannaanka Aakhiro oo qalabkiisa muusikada soo qaadan jiray noona qaadi jiray heesaha dhiiri-gelinta waxbarashada, gaar ahaan wuxu ku nuuxnuuxsan jiray heesta “dugsiyada oo aada walaalayaalo aada.” Waxa iyaguna xusid mudan laba heesood oo wakhtiyadaa caan ka ahaa ardayda dhexdooda oo kala ah heesta Saado Cali ee “Dhan uun may isu raacaan” iyo heesta Celine Dion ee  “My heart will go on.”

Sannadkii noogu dambeeyey waxaanu safar kedis-aqooneed iyo kubbadda cagta ah ugu tagnay dhiggayagii Sheekh Cali Jawhar (Boorama) kuwaas oo iyaguna markii dambe noo yimid. Sidoo kale waxanu safaro la mid ah ku tagnay Berbera iyo Burco. Magaalooyinkaas dhammaantood si aan la malayn karin ayaa naloogu qaabilay.

Kooxdii Faarax Oomaar oo ciyaar saaxiibnimo la leh Sheekh Cali Jawhar (Boorama), 12-kii November 1999: Waxa ka dhex Muuqda Xuseen Axmed Ileeye (Xabashi), Jaamac Colow (Gacma-Dheere), Muxyadiin Cali Muxumed (Jafaa), Cabdi Qaadir Xasan-Duse (Qaadiro), Iid Jibriil Axmed, Abshir Aw-Gaas, Nicmaan Cabdi Cali iyo rag kale oo door ah. Dhinaca Boorama waxa ka muuqda Caydaruus C. Cumar (Caydo), Maxamuud Darbo, Cabdirisaaq. Sawirkan waxa kaydiyey Iid Jibriil.

Intii aanu qabanqaabada sarafarradaas ku jirnay, waxanu la kulannay masuuliyiin dhawr ah si aanu taageero u waydiisano, waxaanu kala kulannay jawaabo kala duwan.

Aan ku horreeyo Cali M. Warancadde. Maalin ka mid ah horraantii November 1999-kii, wakhtigaas oo uu ahaa Wasiirka Waxbarashada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaanu annaga oo toddoba ah oo guddidii ardayda ah u tagnay xoghayntiisii kana codsanay in aanu u galno wasiirka. Waxay noo sheegtay in ay wasiirka u geli karto oo kali ah ciddii ballan sugan la leh. Waanu ku celcelinay codsigayagii jawaabteediina “maya’ ayay noqotay.  Haseyeeshee isaga ayaa telefoonkeedii miiska saarnaa soo garaacay una sheegay in ay oodda naga qaaddo.

Waanu la yaabnay sida uu joogitaankayaga ku ogaaday. Markii aanu xafiiskiisa gudaha u galnay ayaanu aragnay shaashad uu ka daawanayo dhaqdhaqaaqyada dibedda.  Wakhtigaas maanaan fileyn tiknoolajigaa kamaradaha ee casriga ah; maalmo badan ayaanu ka sheekaynaynay.

Markii aanu wasiirka u sharaxnay in aanu booqanayno ardayda Sheekh Cali Jawhar, wuu u riyaaqay wuxuna noo qoray jeeg dhan 1,500,000 SLSH lacagtaas oo aan u malaynayo in ay u dhigmaysay $600. Wuxuna yidhi “wax kasta waxa nooga muhiimsan is dhexgalka bulshada iyo dalkiina oo aad soo barataan.” Filan-waa farxadeed ayaa nagu dhacay. Quluubtayadii buu kasbaday.

Muddo yar kadib, Madaxweyne Cigaal ayaa isku shaandhayn sameeyey. Warancadde wuxu u wareejiyey Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta, Wasaaraddii Waxbarashadana wuxu u magacaabay Axmed Yuusuf Ducaale.

Bulshada Somaliland dal iyo dibedba way u riyaaqday magacaabista Axmed Yuusuf Ducaale. Waxa loo arkayey ruug-caddaa ku soo biiray xukuumadda. Hase ahaatee ardaydii Faarax Oomaar in badan oo ka mid ahi waxay qabeen dareenka ah “Warran-cadde halkiisa ha loo daayo, Axmed Yuusuf Ducaale-na wasaaradaha kale ee waaweyn mid ha loo dhiibo”. Waxayna is tuseen in ay dareenkaas mudaharaad ku muujiyaan. Balse mudaharaadkaasi wuu dhicisoobay xukuumadduna markii ay kollayba shakiday askar boolis ah ayay dugsiga hareerihiisa ku soo rogtay.

Toddobaadyo kadib ayaanu u tagnay Axmed Yuusuf Ducaale. Waxan ka codsanaynay in uu naga caawiyo safar aanu Berbera, Burco iyo Ceerigaabo ku tagaynay. Sida uu noola dhaqmi doono ayaanu ka cabsi qabnay maadaama laga yaabo in uu xan ku maqlay mudaharaadkii aanu ka fikirnay. Si aanaan filayn ayuu noo soo dhaweeyey, dhacdooyin xiiso leh oo taariikho u badnaa ayuu nooga sheekeeyey, laba foosto oo naafto ahna wuu noo qoray.  “Haddii aan haleel hayo, waaban idin raaci lahaa” ayuu nagu yidhi.

Masuulkii u dambeeyey ee aanu la kulannay wuxu ahaa Duqii Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen “Cadami.” Ujeeddadayaduna waxay ahayd in aanu kharash dheeraad ah u helno safarkayaga. Si weyn buu isaguna xafiiskiisa noogu soo dhaweeyey wuxuna noo qoray 500,000 SLSH oo u dhigmaysay qiyaastii $200. Waanu saluugnay oo xanaaqnay oo ku siganay in aanu ku diidno. Wuxu nagu yidhi “Idinkuna lacag aad ku tamashlaysaan baad raadinaysaan annaguna macallimiintii wax idiin dhigaysay oo bakhtiyaysa ayaanu mushahar u la’nahay.” Qaadhaankii waanu qaadanay laakiin hadalkaas caqli-celinta ahi wakhtigaas si wacan  noogumuu duxin. Wakhti dambe ayaanu garawsanay in uu naga saxsanaa!

Waxan qormada ku soo gunaanadayaa xuska iyo xusuusta maamuleyaashii iyo macalimiintii siyaabaha kala duwan ii xiiso-galiyey sida Cabdillaahi Cabdi-yare, Buuni, Cali Cabdi Jiciir, Xasan-Bayoolaji, Aadan-Kimistari, Xasan-Raan iyo Alle ha u naxariisto’e marxuumiinta kala ah Kayd, Carraale, Bigeys iyo Cali-Aadan.

************************

F.G. Maqaalkan waxan horey ugu darsaday buug aan weli ifka u soo bixin oo uu Khaalid Jaamac Qodax ka qoray taariikhda Faarax Omaar. Waan soo qadimay anigoo aan idanka qoraaga buugga ilduufin.

mustafekhaire@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.