Xuska 18 May oo Si weyn Looga Xusay Magaaladda Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta shacbiga Somaliland iyo ciidamada kala duwan ee dalka kala qayb-galay xuska 18 May ee munaasibadda 25-aad ee Gooni isku taaga Somaliland.

Xuskan oo ay si weyn uga soo qayb-galeen dadweynaha Somaliland iyo ciidamada Qalabka sidda ee Somaliland ayaa socda gaado-ka ciyaar ah gaadho ka ciyaar ah ah ku maray xarunta madaxtooyadda horteeda.

Ka hor inta aanay ciidamada Qalabka sidda iyo dadweyne kala duwan oo si qurux bada u soo diyaar-garoobay xuska 18 May aanay socod ku marin madaxtooyadda hortiisa waxa uu jeediyey qudbad uu kaga hadlay muhiimadda ay qaranka Somaliland u leedahay xuska maalinta 18 May, waxaanu madaxweynuhu hambalyo iyo salaam u diray dhamaan ciidamada qaranka Somaliland iyo shacbigiisaba.

Xuskan Waxaa si weyn uga soo qayb-galay ciidamadda milatariga, ciidamada Booliska, Ciidamada la dagaalanka Argagixisadda, ciidamadda badda, ciidamada dab-damis, ciidamada Asluubta oo ku gaashaaman hubkooda.

DSC_0234 DSC_0142 DSC_0135 DSC_0041 DSC_0006 DSC_0778 DSC_0668 DSC_0659 DSC_0573 DSC_0371 DSC_0356 DSC_0351 DSC_0348 DSC_0344 DSC_0998 DSC_0971 DSC_0885 DSC_0829 DSC_0801 DSC_0771

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.