XUSKA 18 MAY 2016 iyo Doorka Jaalliyadaha Somaliland ee Wadamada Caalamka

Diyaar garawga iyo abaabulka weyn ee loogu jiro xuska sannad guurada 25aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbanaanida JSL 18 May 2016 ayaa sida ay uga socoto gudaha dalka si la mid ah uga aloosan magaalooyin tiro badan oo wadamada caalamka ee  jaalliyadaha Somaliland ku dhaqanyihiin ah dhammaan qaaradaha adduunka.

18May_25th_SL_Anniversary

U diyaar garawga xuskan ee jaalliyadaha ayaa ka socday wadamo badan oo Europe, America, Asia, Australia iyo Afrikaba leh illaa bishii koowaad ee sannadkan oo jaalliyaduhu u magacaabeen guddiyo qabanqaabo oo kaalintooda gurmadii abaaraha hawsha udiyaar garawga xuska qaranimaduna dhinac socotay. Xukuumadda JSL ayaa dhinaceeda ku dhiirrigelisay jaalliyadaha Somaliland in si ka duwan oo ka heer sarreysa loo qabto xuskan iyadoo qorshe halweed kooban oo arrintaas la xidhiidha loo gudbiyay gudiyada jaalliyadaha Somaliland horraantii bishii April. Gudiyada Dalladaha waaweyn ee Jaalliyadaha Somaliland iyo dhammaan gudiyada ururada jaalliyadaha iyo gudiyada qabanqaabada ayaa iyaguna intooda badan si joogta ah uga warbixinaya Wakaaladda Qurbajoogga JSL hadba hawlaha qabanqaabadu halka ay u marayaan iyo qorshe hawleedkooda ku aadan xuska qaran.

Waxa qayb ka ah xuska 18 May iyo doorka jaalliyadaha ee sannadkan 2016 bannaabaxyo waaweyn oo qurbajoogga Somaliland ka dhigayaan magaalooyin caan ah sida London, Stockholm, Ottawa, Oslo, Kassel iyo magaalooyin kale. Sidoo kale, Jaalliyadaha Somaliland ayaa doorkan ku dadaalay inay si weyn uga soo qaybgeliyaan kulamadooda debbaal degga masuuliyiin iyo marti sharaf sare oo uga yimaada goleyaasha kala duwan ee dawladaha martigeliyay, saaxiibada Somaliland, saxaafadda caalamiga ah iyo dhinacyada u muhiimka ah inay goob joog ka noqdaan munaasibadaha lagu gudbinayo farriinta Somaliland. Waxa iyana xusid mudan in dhammaan jaalliyadaha ka jira wadamada waaweyn ay u gudbiyeen dawladaha martigeliyay dhambaallo qoraal ah oo ay kaga codsanayaan inay tixgeliyaan qadiyadda madaxbanaanida JSL iyo ictiraafka ay ka mudantahay beesha caalamka.

Debbaal degga xuska 18 May ee Jaalliyadaha Somaliland oo ka bilaabmay wadamada dibadda 13 May, socon doonana illaa todobaadka koowaad ee bisha June sida ay magaalooyinka iyo/ama wadamadu u kala horreeyaan ayay Wakaaladda Qurbajoogga JSL ku qiyaasaysaa in lagu qabto ku dhawaad 65 magaalo oo ku kala yaalla inka badan 40 wadan qaaradaha Afrika, Europe, North America iyo Asia sida ka muuqata jadwalka halkan ku lifaaqan.

EUROPE, NORTH AMERICA & AUSTRALIA:  UK, Germany, Denmark, Finland, Norway, Belgium, Netherlands, France, Turkey, Austria, Italy, Switzerland, USA, Canada, Australia iyo New Zealand.

AFRIKA:  waxa ka mid ah Ethiopia, Kenya, Tanzania, Uganda, Djibouti, Sudan, Egypt, South Africa, South Sudan.

EESHIYA: waxa ka mid ah wadamada UAE, Saudi Arabia, Qatar, Kuwait, India, Malaysia, Bangladesh, Philippines, China iyo wadamo kale

Wakaaladda Qurbajoogga JSL waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan shacbiweynaha qurbajoogga Somalialnd meelkasta oo ay dunida ka joogaan sida wadaniyadda, xilkasnimada iyo qadiyadda leh ee ay u oogayaan maalintan qaran 18 May 2016. Si gaar ah waxa bogaadin mudan ururada ardayda Somaliland ee wadamada Afrika iyo Eeshia oo illaa 8 wadan ku qabanaya xuska 18 May sannadkan 2016.

Wakaaladda Qurbajooggu waxay hambalyo u diraysaa jaalliyadaha haatanba qabsaday debbaal degyada, waxanay ugu baaqaysaa dhammaan jaalliyadaha in si weyn loo oogo oo loo soo baxo bannaanbaxyada qorshaysan ee magaalooyinka wadamada kala duwan sida London, Stockholm, iyo dalalka Canada iyo USA.

Wakaaladdu waxa kale oo ay bogaadinaysaa doorka hawlkarnimada leh ee  Danjirayasha Somaliland dhammaan wadamada ay joogaan kaalinta ay ku leeyihiin xuska 18 May 2016 iyo iskaashigooda Jaalliyadaha Somaliland  wadamada ay u metalaan Jamhuuriyadda Somaliland.

 JADWALKA XUSKA 18 MAY 2016 EE WADAMADA CAALAMKA & DOORKA JAALLIYADHAA SOMALILAND

No Country (Wadanka) City/province

(Where Receptions and demonstrations are taking place)

Date/time for the celebration (Receptions and demonstrations)
1 UK London

 A big demonstration will be held at  Richmond Terrace opposite 10 Downing Street in the day time on 18 May and the Reception will be held in the night time

 

Date: 18th May

Demonstration time:  12pm – 4pm

 

Reception time:

Youth:  2pm – 6pm

Adult people: 8pm – 2am

Manchester

 

Date: 21st May

Starting time: 4:30pm

Birmingham  
Sheffield  
Cardiff  
Bristol Date: 18th May
2 SWEDEN Stockholm

A big demonstration will be held opposite the Parliament House in the day time

Demonstration at Stockholm on  18th May

Receptions: 22nd May at Stockholm

Karlstad Date: 14th May
Enkoping Date: 21st May
3 GERMANY Munich Date: 13th May
Frankfurt Date: 14th May
Kassel

A big demonstration will be held

Date: 15th May
4 FRANCE Angers             12th May Date: 12th May
Lyon                 14th May Date: 14th May
Toulouse          04th June Date: 4th June
5 HOLLAND Utrecht Date:  21st May

Time: 18:00pm – 3:00pm

6 DENMARK Copenhagen

Jagtvej  107 2200  Copenhagen

14  May

Starting time:  13: pm

Arhus

Axel   klersvej    24     8270   Hojberg

Date: 20th May

Time: 7:00pm – 3:00am

7 NORWAY Oslo

Yougstorget

Date: 18th May

Time: 15:00pm – 21:00am

8 FINLAND    
9 BELGIUM Brussels

Rue Du cinema 1A, 1080 Molenbeek

Date: 14th May

Time: 18:00pm – 3:00am

10 SWITZERLAND Zurich Date: 13th May

Starting time: 12:00am

11 AUSTRALIA About three major cities including Sydney and Melbourne  
12 AUSTRIA    
13 ITALY    
14 NEW ZEALAND    
15 TURKEY Istanbul Date: 20th May

Night time

16 CANADA Ottawa Date: 14th May

Time: 8pm – 4pm

Edmonton Date: 14th May

Time: 8pm – 4pm

Toronto Date: 21st May

Time: 8pm – 4pm

17 USA Washington DC – May 20-21 Date: 20-21 May
Columbus, OH

Wilson Blvd and W. broad ST

Date: 21st May
Connecticut Date: 21st May
Seattle, WA. Date: 21st May
Minnesota Date: 21st May
 San Diego, CA Date: 21st May
18 ETHIOPIA Addis Ababa 18th May

Night time

19 DJIBOUTI Djibouti,  Sheraton Hotel Date: 18th May

Time: 7:00pm

20 SUDAN Khartoum

International Garden

Date: 18th May

Time: 8:00pm – 11:00pm

21 UGANDA Kampala Date: 18th May

Time: 7:00pm – 1:00am

22 KENYA Nairobi Date: 18th May
23 TANZANIA Dar Es Salaam

A demonstration will be held

Date: 18th May

Time: 6:30am – 12:00pm

24 EGYPT Cairo,

Qaacatul Malikia Hotel

Date: 20th May

Night time

25 SOUTH AFRICA Johannesburg Date: 18th May

Night time

26 SOUTH SUDAN Juba Date: 18th May
27 UAE Abu Dubai Date: 14th May

Time:

28 S/ARABIA Jeddah Date: 18th May

Night time

29 KUWAIT    
30 QATAR Doha  
31 MALAYSIA Kuala Lumpur

Golden Chersonese Media Hall

Date: 28th May

Time: 7:00pm – 11:30pm

32 INDIA Hyderabad Date: 18th May
33 BANGLADESH Dhaka Date: 19th May

Night time

34 CHINA    
35 PHILIPINES   Date: 18th May

Night time

36 OMAN    
37 BAHRAIN    
38 PAKISTAN Islamabad  
40 UKRAINE    

Source: Somaliland Diaspora Agency

HQ: Hargeisa, Republic of Somaliland

www.sldiasporaagency.org

Email: sldiasporaagency@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.