Xulka Faransiiska oo ku guuleystay Koobka Aduunka

Muqdisho – (warsoor) – Xulka Faransiiska ayaa ku guuleystay tartanka Koobka Aduunka oo ka socday dalka Ruushka,waxayna 4-2 kaga adkaatay Xulka Croatia.

Ciyaartii kama danbeysta ahayd ayaa goordhow lagu soo gabagabeeyay magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka.

Xulka Faransiiska ayaa markii Labaad ku guuleystay Koobka Aduunka,waxaana hadda Garoonka ay ciyaarta ka dhacday ka socda dabaaldegyo ay sameynayaan Ciyaartoyda Xulka Faransiiska iyo taageerayaashooda.

Sanadkii 1998dii ayay xulka Faransiiska markii ugu horeysay ku guuleystay koobka adduunka iyadoo tababaraha xulka Faransiiska ee xilligan Didier Deschamps  uu ahaa kabtankii labaatan sano kahor hogaaminayay xulka Faransiiska.

Waxaa isku hambalyeeyay Labada madaxweyne ee Faraniiska iyo Croatia,Xulka Croatia ayaa kaalinta labaad galay markii ugu horeysay iyadoo  kaalinta 3aad xulka Belgiumka uu galay.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.