Xulka England oo ka badiyey Colombia

Russia – (warsoor) – Xulka Qaranka England ayaa garaacay xulka Qaranka Colombia ka dib markii ciyaarta la isla gaadhay Rikoodhayaal waxaana halkaasi ay guushu ku raacday xulka boqortooyadda Ingiriiska, oo u gudbay wareega 8-da kooxood.

Ciyaartan oo ahayd ciyaar aad u adag ayaa xulka qaranka Ingiriiska waxaa ciyaarta qaybtii dambe u suurto gashay in gool rikoodhe ah dhaliyaan waxaan goolka u saxeexay uu dhaliyey laacibka Harry Kane. Xulka Ingiiriiska ayaa ciyaarta hogaanka u qabtay, waxaana labada kooxood isku hayeen weerar iyo weerar celin.

Xulka Qaranka Colombia ayaa kordhiyey weerarka ay ku hayaan goolka England, waxaan daqiiqadii 85 u suurto-gashay in la yimaad goolkoodii Barber dhaca. Rajadda xulka Colombia ayaa cirka gashay waxaanay aad ugu dadaaleen sidii ay uga guuleysan lahaayeen Ingiriiska waxaan ciyaarta lagu daray 30 daqiiqo, laba kooxood ayaa difaaca adkeystay, waxaay sidoo kale xoojiyeen weeraradda. Ciyaarta ayaa socotay 125 daqiiqo waxaanay labada kooxood ciyaartoodi dhaafi weyday 1 iyo 1.

Riyoodhayaal loo dhigay labada kooxood ayaa keenay in xulka England ay ka badiyaan xulka Colombia. Xulka England ayaa iska xaadiriyey wareega rubuc dhamaadka ee 8-da koox.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.