Xukuumadda Somaliland, Sadexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Go’aamiyey in Deegaanadda Waqooyiga Ay Ka Dhici Doonto Diwaan-galintu

Hargeysa – (warsoor) – Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland ayaa ku dhawaaqaday in deegaanadda Waqooyiga Somaliland ee lagu muransanaa xuduud-goboleedka ay ka dhici doonto diwaan-galinta codbixiyayaasha Somaliland.

Go’aanka ayaa yimid ka dib markii shir saddex-goosood ah ay yeesheen xisbiga qaranka Somaliland, komishanka Doorashooyinka iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha oo matalaysay xukuumadda.

Xisbiyadd_wasiir_arimaha_gudaha

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasiin Maxamud Xiir Faratoon ayaa sheegay in diwaan-galintu ay ka bilaabmi doonto goboladda Waqooyiga Somaliland, waxaanu faray in hawshaasi ay masuuliyadeeda leedahay wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland.

Wasiirka Faratoon ayaa sidoo kale u digay in masuuliyiin iyo madax-dhaqameedyo carqalad ku ah in ay diwaan-galintu ka qabsoonto lixda deegaan ee lagu muransan yahay ee goboladda waqooyiga Somaliland ay joojiyaan carqaladda ay ku wadaan, dadkoodana ay ku waaniyaan wixii aan loo baahnayn.

Halkan Ka Daawo shirka jaraa’id ee wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.